Toronto | QOL | December 29, 2018 – Waxaan halkan ku soo koobayaa dhacdooyinkii ugu xasaasiyada badnaa ee ka dhacay Soomaaliya sanadka 2018, anigoo Qodob Qodob u falan qeyn doono, dhacdoyinkaas oo kala ahaa.
- Mooshinkii laga keenay Mudane, Jawaari?
- Abaabulkii iyo Doorashadii Mudane, Mursal?
- Muxuu ka bilowday Qilaafkii dhexmaray Dowlada Emaratka iyo Dowlada Somalia?
- Boqashadii ABIY Ahmed uu ku yimid Muqdisho? Iyo Dhagarta ka dambeysa?
- Boqashadii Farmajo ku tagay Asmara iyo Caradii Reer Jabuuti?
- Qilaafkii CANADA iyo SAUDIGA iyo mowqifka Somalia?
- Doorashada Koofur Galbeed iyo Soo xiridii ROBOW?
- Boqashadii Madaxwaynaha Eretria AFWERKI ee Muqdisho?
- Magalada ugu Amaanka Fiican Somaaliya oo Noqotay?
- Aqoonyahanadii ugu Wadaniyada iyo Fikirka FIICNAA Sadkan 2018?
- Halyeygii Umada ISMACIIL CUMAR GEELE, Maxaan ka baranay Ereyadiisii ahaa “waa bahanahay Bahalo looma Cuno”?
- Dagmadii ugu Amaanka Xumayd Muqdisho, uu hada ka jiro Amaan iyo Hurumar Bilow ah!!! (DAYNIILE)
Somaalidu waxay tiraahdaa “Arad waadan, Usgagna waa Doqon nimo”
MOSHINKII LAGA KENAY GUDOOMIYE JAWAARI?
Bilowgii 2018, Waxaa mooshin laga kenay Mudane, Jawaari, oo ahaa Gudoomiyaha Golaha Shacabka, moshinkaas oo sababay Jahawarer Siyaasadeed iyo shaqo joojin ku timid shaqooyinkii uu Golaha u qaban lahaa umada Somaaliyeed, waxaana bilowday in ay Xildhibanada isku edeyaan Keenista Moshinka iyo Difaacida Moshinka, iyadoo eeda lagu soo daray Dowlada in ay ku lug leedahay Moshinkaas, waxaana meelxun gaaray Qilaafka ka dhaxeyey Xildhibanada Taageeray Jawaari iyo Xildhibanada ka Keenay Moshinka Jawaari, Mudane, Jawaari ayaa ku adkeystay in uu Xilka sii heyn doono inta ka dhiman doorashada soo socota, isagoo ku edeyey Dowlada in ay ka dambeyso Ridistiisa, isagoo cadeeyey in uusan marna is CASILI doonin, isagoo muujiyey ad adeeg iyo Hanjabaadyo kul kulul, laakiin Cabashooyin iyo Cadaadis badan oo uga yimid Waxgarad, Siyaasiyiin iyo Caalamka, Mudane, Jawaari wuxuu Go’aansaday in uu Xilka baneeyo, isagoo sheegay in aanan lagu qasbin is Casilaada, lakiin uu go’aansaday in uu Fiiriyo Danta iyo maslaxada Guud.
Hadaba Somalidu waxay tiraahdaa “Hal Xaaraana, madhasho Nirig xalaala”, ka dib maxaa dhacay, waxaa soo shaac baxday Eedii lagu edenayey Dowlada ee ahayd in ay lug ku lehayd Ridistii Jawaari, waayo dowladu waxay Abaabul adag ugashay in ay soo saarto Gudoomiye MAXAMED MURSAL, wayna ku guuleesatay Dowladu, laakiin ka dib MAXAA DHACAY? “KADAROO DIBI DHAL”, waxaa Alla qadaray in uu Mursal MOOSHIN ka keeno MD Farmajo, waxaana mar kale bilowday Jahawareerkii Siyaasadeed, taasina waxay hakad gelisay Howlihii Golaha umada u qaban lahaa, sidii caadada ahayd, iyadoo la diiday talooyin dad badan ay ku taliyeen in loo doorto Golaha Shacabka Shaqsi ka bixi kara Aqoon ahaan iyo Muwadinimo!!!!!.
MOSHINKII MURSAL XAGEE BUU KU DAMBEYEY?
Murano iyo doodo aad u badan kadib, waxaa soo baxay Xildhibaano ku doodayo in laga been abuuray Saxiixooda markii la diyaarinayey Mooshinka, waxayna dacwad gaysteen Maxkadaha Sharciga, taasi oo dhalisay in uu BURRO Mooshinkii Mursal, kadibna uu sheegay in uu ka tanasulay Moshinkii madaama lawayey Tiradii uu ku Ansixi lahaa!!!!!.
Waxaase iswaydiin mudan, MURSAL IYO FARMAJO ma u wada shaqayn doonaan si Hufnaan iyo Daacad ah, iyadoo la dhowrayo Sharciga inta ka dhiman waqtigooda?, waayo waxaa Caado noqotay hadii qilaaf soo kala dhexgalo Siyaasiyiinta Somaaliyeed in aysan weligood Heshiin, waqtigoodana ku dhamaystaan Jahawareer Siyaasadeed iyo waajibaadkii Dalka iyo Dadka oo la iloobo, waxaana si kordha maalin kasta AMAAN XUMADA guud, Jidadaka oo loo Xirro si lama filaan ah, taasi oo Cariiri gelisa isu socodka dadweynaha, Adeegyada guud oo hakat gala iyo Dhaqaale xumo ku soo kordha Shacabka Muruq maalka ah.
Waxaa jira Shacab ku nool wixii ay soo shaqaystaan maalintii ay soo kalahaan, shacabkaas oo inta badan XOOGSATO ah, waxayna dhib badan kala kulmaan XIRIDA wadooyinka, waxayna qaarkood danta ku qasabtaa in ay maalintaas shaqo la’aan noqdaan, iyagoo aanan awoodin in ay ilmahooda DABKA U SHITAAN maalintaas.
Hadaba, waxaa xaqiiq ah in aysan Muhiim ahayn in wadooyinka Qaar la Xirro, hadii la isticmaalo Aqoonta iyo Caqliga Suuban, siloo sahlo isu socodka daweynaha, si ay noloshooda u maareeyaan, waayo si loo sugo AMINIGA waa in loo sameeyaa dabaqado Xaladeed (Criteria ), iyadoo la Qiimaynayo Xaalada Amni ee jirta iyo meelaha uu ku badan yahay isu socodka Shacabka.
Ugu dambeyn, waxaan ku soo koobayaa Qormadan oo ka kooban 1&2 liiska aan kor ku xusay, waxaan ku soo koobayaa Dhibaatooyinkii ay dhaliyeen Mooshinadii kala dambeyey oo laga keenay MD waynaha iyo Gudoomiyaha G. Shacabka iyo Saadaasha waqtiga u dhiman Dowlada iyo Golaha Shacabka.
- Shaqadii Golaha oo mar walba hakad galo Maalmo ama Bilooyin, iyadoo aan laga muujin Garowshiyo masuliyadeed.
- Isu socodkii shacabka oo cariiri gala iyo Adeegyadii danta guud oo istaaga, taasi oo sababta dhaqaalo xumo ku dhacda Qoysaska danyarta ah.
- Amaanka oo sii Xumaada, taasi oo dhalisa walwal iyo walaac joogta ah.
- Is Aaminaada Siyaasiyiinta oo sii Xumaata, marwalba oo Qilaaf dhaco.
- Siyaasiyiinta Mucaaradka oo sii Huriya Jahawareerka siyaasadeed ee ka dhex jira Dowlada iyo Golaha Shacabka.
- Dowlado Shisheeye oo iyagana sii Hurinaya Jahawareerka Siyaasadeed ee joogtada ah, iyagoo diidan Xasiloonida iyo Horumarka Somaaliya.
- Maamul Goboleedyada oo iyagana sii Huriya Xalada Qasan ee siyaasadeed ee dalka, iyagoo raba in ay waqtigooda sii kordhistaan.
CASHARKA AMA CASHARADA aan ka baran doono waqtiga u dhiman dowlada iyo Golaha Shacabka, Maxay Noqon doonaan?
Waxay ila tahay in aan iswaydiino Su’aalahan iyo kuwo la mid ah, Jawaabahana aan u dayno waqtiqa u dhiman Dowlada iyo Golaha Shacabka!!!!!
- Dowlada iyo Golaha Shacabka ma kuwada shaqayn doonaan waqtiga u dhiman si waafaqsan Sharciga iyo Nidaamyada Dowliga ah, iyadoo la kaashanayo Diinta, Aqoonta iyo Caqliga Suuban?
- Hadii Dowlada iyo Golaha Shacabka wada shaqayn waayaan, Xalka muxuu Noqon doonaa?
- Suuro gal ma noqon doontaa in ay Xalistaan wixii Qilaaf ah ee ka dhoco Dhexdooda, iyagoo ka madax banaan Faragelin SHISHEEYE una Hogaamsamaya Sharciga.
- Dowlada iyo Golaha Shacabka ma waxay Reebi Doonaan Taariikh wanaagsan oo lagu Xasuusto, Mise Taariikh XUN oo lagu xasuusto marka uu dhamaado waqtigooda?.
- Suuro gal ma noqon doontaa wixii Masuuliyad Xuma ah ee ay la yimaadaan Dowlada iyo Golaha Shacabka in lagula Xisaabtamo Mustaqbalka?
- Suuro gal ma tahay Dowladu in ay Xoojiso Lamaha CADAALADA, si loo sugo Aminiga iyo kala dambeynta Sharciga, waayo waxaa aad loogu BAAHI Qabaa sharci ilaaliyo XUQUQDA MUWAADINKA SOMAALIYEED?, Cadalad daro badan ayaa jirta, una bahan in si deg deg ah wax laga qabto!!!
- Ciidamada Shisheeye ee jooga dalka, mala howl gelin doonaa inta ka dhiman waqtigooda,si loo sugo Amaanka dalka, mise waxay sii ahaan doonaan maqane joogo Maalkeena iyo magaceena lagu BIILO, Nabad Xumadana ay joogto ahaato, iyadoo mar walba ay ilmeeyaan Aabo iyo Hooyo ku wayey Caruurtooda Amni Xumada joogtada ah?
MUXUU KA BILOWDAY QILAAFKII DOWLADA SOMALIYA IYO DOWLADA EMARAATKA?
Somalidu waxay tiraahdaa “Dhurwaagii Qaad Qaad bartaa, ka dhigaay waa ku Dhib”
Sida lawada og yahay Doladii Kacaanka iyo Dowlada Emaraatka waxaa ka dhexeyey Xiriir aad u wanaagsan oo ku salaysnaa ilaalinta Xuquuqda Dowladnimo iyo Horu mar dhaqaale oo aan ku xirnayn Shuurudo iyo ku Xadgudubka Xuriyadeed ama Dowladnimo, lakiin laga soo bilaabo 1994-tii wixii ka dambeyey waxaa dhacday isbedel aan la fileynin, taasi oo keentay bur burka ka dhacay Somaaliya.
Laga soo bilaabo 1994-tii ilaa 2004-tii Dowlada Emaraatka waxay ka mid ahayd Dowladahii u muujiyey Taagero walaalnimo Shacabka Somaaliyeed, wax bandanna ka ka batay dhibaatooinkii ka jiray dalka, gaar ahaan dhinaca Gagaarka Bani’aadannimada iyo Ganacsiga, waana arinta dhalisay in Somaaliya isu dhiibto ama ka dhigato walaal sokeeye UAE, lakiin kadib Maxaa Dhacay? Waxaa dhacay “ka Daroo DIBI DHAL”!.
Laga soo bilaabo 2005-tii Dowlada Emaraatka waxay isu bedeshay Dowlad ku shaqaysato Qaabab isugu jira EGO nimo, DALAAL nimo iyo GANACSI ugaar ah oo ay ka raadiyaan Faa’idoyin xad dhaaf ah, iyadoo lagu NAAS NUUJINAYO Ganacsato u dhashay Emaraatka. Waana arinta dhalisay in ay wadamo badan isku dhacaan.
Dowlada Emaraatka markii ay aragtay Khayraadka Somaaliya iyo sida uu u dayacan yahay, waxay Go’aansatay in ay ka faa’idaysato, iyadoo adeegsanayso Shaqsiyaad isugu jira Siyaasiyiin iyo Ganacsato, waxayna Furtay ISBITAAL IYO TABABAR CIIDAMO, si ay u dhexgasho Somaaliya una hesho Ciidan iyaga ka Amar qaata si ay ugu fushadaan Danahooda gaarka ah, markii ay isubaqaana ay isku difaacaan Ciidankooda, waayo iyagaa Mushaar Siiya Ciidamada ay taba baraan iyo Saraakiisha Hogaamisa, mana ahan Ciidan laga Amro wasaarada Gaashaandhiga Somaaliyeed.
Labadii SAFIIR ee ugu dambeyey SAFARADA Emaraatka ee Muqdisho, waxay ahaayeen laba shaqsi oo ka Amar wayn Dowladihii Somaaliyeed, waxayna ka dhigeen SAFARADOODA Madaxtooyada 2aad ee ka dhisan Muqdisho, waxayna ahayd Safarad u shaqayso Qaabka EGO-nimo iyo Qaab Ganacsi oo iyaga uqaar ah, waxaana Safarada laga BIILI Jiray Dad isugu jira Siyaasiyiin iyo Shacab loo adeegsado danaha gaarka ah, oo weliba dadka Qaar loo dirsan Jiray in ay keenaan GABDHAHA YAR YAR, si loo isticmaalo. Mana jirin dowlad ku dabagasha Safiiradaas qaabka ay u dhaqmaan!!!!.
Hadaba waa marka aan leeyahay “dhurwaagii Qaad qaad bartaa ka dhigaay waa ku dhib, 2017 Bishii February, waxaa dhalatay Dowladii FARMAJO, waxayna la timid Dar dar iyo Isla Xisaabtan, waana Arinta dhalisay in layska Arko BIYO HOOSTOOD, waxaana bilowday in uu Gaabis noqdo Xiriirka labada Dowladood, waxaana bilowday in ay Emaratka Abuuraan Mucaarad Qalqal geliya Dowlada Farmajo, silooga Fushado danaha ugaarka ah Emaraatka, laakiin taasi waxay soconwaysay.
Intaas kadib, MAXAA DHACAY? Waxaa dhacay Dowlada Emaraatka in ay bilowdo Dagaal Toos ah oo aan Qaris lahayn, iyadoo adeegsatay Maamul Goboleed yada, kuna Qancisay in ay u samayn doonto MAALGELIN DHAQAALE iyo mid CIIDAN, si loo Fashilo Dowlada Dhexe, iyadoo Casuumaad u samaysay Hogaanada Maamul Goboleedyada, si ay u soo Saxiiaan Heshiisyada loo balan qaaday.
Horaa looyi “waxaa qabsooma wixii Daacad laga yahay RABBINA RAALI ka yahay” waxaana bilowday Jahawareer Siyaasadeed oo ka dhexeeya Dowlada FARMAJO iyo qaar ka mid ah Xildhibanada GOLAHA SHACABKA, iyadoo lagu kala aragti duwanyahay Qaabka loo wajahayo Dagaalka EMARATKA, waana sida ay rabtay Emaraatka, lakiin wada hadal iyo isjiid jiid badan kadib, waxaa is fahmay Dowlada iyo Xildhibanada intooda bada, waxaana suura gashay in Emaraatka si toos ah loogu sheego in ay ka Amar qaadado Dowlada Dhexe, hadii ay u Hagaansami waydana in laga qaadi doono taaba toos ah oo wafaqsan Sharciga dalka, waxaana halkaas ku jabay Hamigii iyo Hankii UAE!!!
Laga bilaabo Bishii April/2018 Dowlada Emaraatka waxay bilowday in ay Abuurta Xalad Dagaal iyo iyadoo isku dayday in ay Lacago soo geliso dalka, siloogu maalgeliyo Shaqsiyaadka fuliya Danahooda gaarka, ilaa iyo hadana waa jiraa Jahawareerka Siyaasadeed ee ay ka dambeyso Emaraatka.
Ugu dambeyn, Dowlada FARMAJO oo ah Dowlad aan lahayn Aqoon dheer ee nica Siyaasada ah, hadana waa dadaashay intii karaankeed ah, inkastoo loo sheegatay Awood Dhaqaale iyo mid Siyaasadeed, waxaana weli lagu hayaa Dowlada Emaratka “HANKOLKA AFKIISA”, waxayna dadaal ugu jirtaa sidii ay uga baxsan lahayd Halkoolkaas lagu, si ay uga AARSATO FARMAJO.
UAE Waxaa ka Go’aana in ay sii wadaan Galaan galkooda siyaasadeed, sidii banaanka loogu dhigi lahaa FARMAJO iyo Xisbigiisa dorashada soo socota, iyagoo adeegsanaya Dhaqaale iyo Awood siyaasadeed “Financial Aid and political influence”.
War iyo Dhamaan, Dowlada dhexe waxaan leeyahay “maantood TABAR haysaan TALLO ma haysaan” ee ku dadaala in aad kasbataan Shacabka, kuna dadaala in aad Qabataan wax Muuqda oo la idinku Xasuusto, kana fogaada waqtiga iyo Qarashka badan ee aad Gelisaan Shaqsiyaadka aan wax tar u lahayn Dalka iyo Shacabka!!!.
Waxaana iga Tallo ah Dowladu in ay hesho “la taliyaal ku Xeel dheer Aqoonta Siyaasada, Muwadiniina ah”, si waqtiga dhiman loo qabto Howlo wax ku ool ah, oo ay ugu horeeyaan AMNIGA iyo CADAALADA, kana Fogaada Shaqsiyaadka lagu keenay Nin jeclaysiga iyo kuwa Fiirsanaya Mushaarkooda oo kaliya
BOQASHADII ABY AHMED EE MUQDISHO IYO DHAGARTA KA DAMBEYSA?
Somaalidu waxay tiraahdaa “Nin Xaaska Raba, lama yiraahdo aan ku siiyo Gabadhayda”
Anigu waxaan leeyahay waa bilowgii Abee “Invasion”, inkastoo dadka qaar ay yiraahdaan isbedelka Gobolka “Regional Change”.
Sida lawada ogyahay waxaa booqasho ku yimid Muqdisho Bishii July/ 2018-ka Ra’isul Wasaraha Ethiopia ABIY AHMED, wuxuuna la kulmay Dowlada Dhexe, isagoo watay Go’aano horay looga soo wada hadlay, sida ka muuqatay warsaxafadeedka ay soo saareen Madaxwayne FARMAJO iyo ABIY AHMED ee ku saab sanaa Dhinacyada Maalgashiga, Gaar haan Dekedaha Somaaliya, war saxafadeedkaasna wuxuu noqday mid Abuura wal wal iyo Walaac Siyaasadeed, shaki bandanna abuuray, waayo Go’aanada lama Filaanka ah ee ka soo Baxay Dowlada Dhexe, iyadoo aan samaynin latashigii loo baahnaa ee kala dhexeyey laamaha kale ee Dowlada, sida Golaha Shacabka iyo Aqalka sare.
Hadaba ma iswaydiinay, sida Sahlan ee ABIY loogu doortay Hogaanka sare ee Dalka Ethiopia iyo Sababaha keenay? , anigoo soo koobaya aragtidayda waa sidan!
Markii la arkay 5-tii sano ee ugu dambaysay in meelxun ay ku sii socoto Siyaasada iyo Nabada Ethiopia, waxaa Fadhi Yeeshay Dowladaha Dusha ka ilaaliya Ethiopia, waxayna arkeen Xalad u bahan in deg deg wax looga qabto, hadii aan usha Dhexda laga qabanna in ay faraha ka bixi doonto, waxaana la arkay in uu dhici karo KACDOON deg deg ah, isagoo ka imaanaya dhinacyada Qowmiyadaha Muslimiinta, Gaar ahaan OROMADA iyo SOMALIDA, iyagoo garab kaa heli kara Qowmiyadaha kale, iyadoo ay muuqatay awood yari dhinaca Dowlada Dhexe ka jirta iyo Mamulada Qaar uu ugu Horeyey Gobolka Somaalida uu ka jiray CADAADIS IYO XADGUDUB BINI A”DAN NIMO,
Waxayna Go’aamiyeen Dowladihii ilaashanayey Ethiopia oo ay ugu Horeeyaan MARAYKANKA “USA” iyo YAHUUDA “Israel”, ayaa ka dambeyey in la magacaabo ABIy, iyagoo fiirsanaya danahooda gaarka ah, laguna dejiyo Guuxa iyo kacdoonka Qowmiyadaha Muslimiinta, waayo Diinta ugu Xooga badan ee laga CAABUDO Ethiopia waa tan Yahuuda.
Ugu dambeyn, ABIY AHMED waxaa loo keenay in uu noqdo KIYAWIHII lagu fur furi lahaa Somaaliya, silo Qabsado Somaaliya, loona isticmaalo KHEYRAADKA ALLA nasiiyey, loona dhiso Mustaqbalka Malaayiinta kunool Ethiopia ee maanta Shaqa La’aanta ah.
Marka Anigu ima muuqato isbedelka la sheegayo in uu HORUMAR iyo ISBEDEL u keeni karo SOMALIYA, ilaa Somaaliya ay Cagaheeda ku istaagto, soona Ceshato Awoodeeda Dowladeed iyo XUDUUDEED laga soo bilaabo “From RAAS KAMBOONI TO RAAS CASAYR”, mana fahmin meesha ay ka arkeen isbedelka Cusub dadka Qaar ee qaba in ay fiican tahay Fikirka cusub ee ABIY wado.
Anigoo rajaynaya Golaha Shacabka iyo Aqalka Sare in ay uga doodi doonaan, Si aqoon iyo Daacadnimo ah, isbedelka uu wado ABIY Fa’idada iyo Dhibatada uu u keeni karo Dalka iyo Dadka Somaaliyeed.
War iyo Dhamaan, waxaan halkan ku soo gudbinayaa Su’alahan, anigoo u daynayo Jawaabahooda Siyaasiyiinta, iyo Aqoonyahanada Somaaliyeed iyo WAQTIGA soo socda.
- Somaliya isbedelka Cusub ee ABIY mala jaan qaadi kartaa waqtigan?
- Yaa leh mudnaanta kowaad in la HELO AMNI IYO KALA DAMBEYN iyo Isbedelka Cusub?
- Yaaleh Mudnaanta koowaad in laxaliyo Qilaafka Siyaasadeed ee jira, sida Somaali Land, Maamul Goboleedyada iyo Siyaasiyiinta MUCARADKA ah ee qaar kood ay u adeegan Dowladaha shisheeye? Iyo Isbedelka Cusub?
- Yaaleh mudnaanta koowaad in shaqsi kasta uu helo CADAALAD iyo XUQUUQ iyo Isbedelka Cusub?
- Yaa leh mudnaanta koowaad in lagu dadaalo sidii loo samayn lahaa Shaqo abuur iyo Horu mar iyo Isbedelka Cusub?
- Yaa leh mudnaanta koowaaad Dhamaystirka DASTUUR ilaaliya XUQUUQDA Shacabka iyo
XUDUUDAHA DALKA iyo Isbedelka Cusub?
- Ethiopia oo maanta ku jirto Jahawareer Siyaasadeed iyo mid DHAQAALE, Xagee ayey ka keeni doontaa Dhaqaalaha ay ku maalgelinayso Somaaliya?
Mar kale Su’alahan jawaabahooda waxaan u daynayaa Siyaasiyiinta, Aqoonyahanka Somaaliyeed iyo Waqtiga soo socda.
BOQASHADII FARMAJO KU TAGAY ASMARA,
Somalidu waxay tiraahdaa “Gudin yahay ima goyseen, hadaan barkay kugu jirin”
Sida lawada og yahay Bishii July/2018-da waxaa Boqasho lama filaana ah ku tagay ASMARA Madaxwayne FARMAJO, wuxuuna halkaas kula kulmay Ra’isul Wasaraha Ethiopia ABIY AHMED iyo Madaxwaynaha ERITREA AFWERKI, iyadoo halkaas loogu sameyey soo dhawayn sharafeed aad loo Maamuusay, iyadoo kulan kaasi uu ka maqnaa ABAHA ama HALYEYGA SOMALIYEED “Ismaaciil Cumar Geele” oo runtii ay ahayd in uu noqdo Shaqsiga Kowaad ee mudan in lagu Casuumo Shirkaas, Maadaama uu Qilaaf ka dhexeeyey JABUUTI iyo ERITREA, hadii daacad laga yahay isbedelka cusub ee la sheegayo, lakiin ma dhicin taas, waana marka aan leeyahay “Baadida Ninba kula doon doonayoo daalna kaa badan ee aan donayn inaan heshaa daa’in abidkaa”.
Hadaba, sida ay ila tahay, dad badanna ay ila qabaan, Madaxwayne FARMAJO waa ku deg degay Safarka ASMARA, waxayna ahayd in uu latashi lasameeyo Walaalaha Reer JABUUTI, waayo Madaxwayne ISMACIIL waa nin laga haystay Dhul iyo Maxaabiis, waana nin aad u yaqaana DHAGARTA iyo QIYAANOYINKA Ethiopia, maadaama uu ku dhashay dhulka ay Gumaysato Ethiopia.
Waxaana laga soo saray war saxafadeed, Gaba gabadii iyo Gunaanadkii shirkii Asmara, wuxuuna noqday, mid lama filaan ah, kadib markii laga soo jeediyey Codsi ah in CUNA QABATAYNTA HUBKA laga qaado Eritrea, iyadoo Codsigaas uu ka qayb ahaa Madaxwayne FARMAJO, taasina waxay DHARBAAXYO ku noqotay Walaalaheena Reer JABUUTI iyo shaqsi kasta uu ku jiro Damiir waalnimo iyo mid Somaali nimo, waxaana Qalbi jab ku dhacay Gargaarkii HIIL WALAAL.
Waxaa dhacay GUUX iyo KACDOON siyaasadeed oo ka yimid Reer Jabuuti, waxayna u yeeratay Dowlada Jabuuti Safiirkii Muqdisho, waxaa kacay Shacab iyo Siyaasiyiin fara ku tiris ah, iyadoo loo dhagtaagayo Madaxwayne FARMAJO Jawaabta uu ka bixindoono Go’aanka deg deg ah uu ku fududaday, laakiin Madaxwayna Howshiisa ayuu ka siiwatay.
Mudo kadib, markii uu sii batay Guuxa shacabka, waxaa Jabuuti tagay, wasiirka Arimaha Dibada Somaaliya iyo Kan ERITREA, kadibna waxaa tagay Madaxwaynaha Somaliya waxuuna la kulmay Mudane, GEELE, wadahadal kadib, majirin hadal wada jir ah oo ay soo saareen labada Madaxwayne, iyadoo ay leeyihiin dadka falanqeya siyaasada, lama Qancin Mudane, Geele.
Waxaan filayey in ay GAROWSHIYO KA MUUJIN DOO NAAN QALADKA DHACAY, waxgaradka, Siyaasiyiinta, Culimada iyo Hogaanada Dhaqanka, Nasiib daro arinta waxay ka badin waysay Guux aan ficil lahayn, laguna Qaxweeyo markii layimaado Goobaha lagu Qaxweeyo.
Waxaan la kulmay Nin Xildhibaan ah oo aan u leeyahay aqoon dheer, waxaan waydiyey sida uu u arko CARRADA REER JABUUTI, Maxaase Garowshiyo looga muuji wayey?, wuxuuna iigu jawaabay “anigu garan mayo jabuuti waxa laga haleeyay, midna ogow dalkan Ethiopiana ayaa xukunta oo Ciidamadooda ayaa na ilaaliya”
Sidoo kale Hoteelada ugu Caansan Muqdisho mid ka mid ah ayaan kula kulmay Shaqsi ka tirsan Culimada Somaaliyeed, waana shaqsi caan ah oo aad looyaqaan “waxaan waydiyey sida uu u arko CARRADA REER JABUUTI” wuxuuna iigu jawaabay “Anigu ma garanayo waxa la haleeyey Jabuuti, ma waxbaa ku dhacay Jabiiti? Sheekhii ayaa aniga i wadiiday Su’ashan!!!!, Habeen kaas waxaan ogaday in ay dad badan oo haya Xilal ma suuliyadeed in aysan ogayn, Qiimaha iyo Qadarinta ay naga mudanyihiin Walaalaha REER JABUUTI, waana Nasiib daro aad u wayn.
Waxaan rabaa in aan Xasuusiyo Umada Somaaliyeed inta, aan weli fahmin Qiimaha iyo Qadarinta ay leeyihiin Reer Jabuuti Dowlad iyo Shacab, anigoo filaya in ay dad badan ogaan doonaan, dadaalka wax ku oolka ah ee Dowlada Jabiiti gelisay Somaaliya.
Markii la dortay Dowladii Madaxwayne CABDIQASIM, markii ay yimadeen magalada New York, waxaa la socday oo Hogaaminayey Madaxwayne ISMACIIL CUMAR GEELE, Aniga waxaan ka mid ahaa dadkii ku soo dhaweyey New York, waa markii iigu horeysay oo aan la kulmo MD ISMACIIL, waana markii iigu dambaysay ee aan arko, laakiin markii aan soo Xasuusto Haladii maalintaas uu ka jeediyey Goobtii shirka, ilaa iyo Maanta oo ah December/2018, waxaa ii muuqda wax yaabihii uu ka hadlay oo weli taagan, waxaana ka mid ahaa kuwan.
- Madaxwayne ISMACIIL ayaa ka soo dahay waqtigii shirka, wuxuuna soo galay Holkii shirka isagoo ay ka muuqato DIIF iyo DAAL BADAN, wuxuuna noo sheegay “ in uusan Hurdin mudo 19 Sacadood ah”, wuxuuna ku mashquulsanaa sidii uu ula kulmi lahaa 14-ka dal ee joogtada ah ee bil kasta mamula Golaha UN-ta,si uu ula kulmo shaqsi shaqsi dowlad kasta ugana codsado in ay siyaan Codkooda Aqoonsiga Dowlada Cusub ee Somaaliya, wuxuuna yiri “Alla Mahadiis waan ku Guleystay, Dowladii ugu dambeysayna hadaan ka soo baxay Xafiiskooda” ee RAALI IGA NOQDA DAAHIDA AAN IDINKA SOO DAHAY”
- MD ISMACIIL Wuxuu yiri aniga warka idinku dhereymayo, dhamaantiin waxaa tihiin Aqoonyahanadii umada Somaaliyeed, waxaa idin saaran waajib, Aniga iyo Cabdiqasina waxaa na saaran waajib, waana muhiim in aan ka tashano sidii aan u wada shaqayn lahayn ee iga dhagaysta talooyinkayga.
- Dhamaantiin waxaad leedihiin Xirfado kala duwan oo aad ku caawin kartaan dadkiina iyo dalkiina, waxaan idinka rabaa in aad Fasax 3-bilood ah ka soo qadataan Shaqooyinkiina oo aad si mudawacnimo ah ugu soo shaqysaan dadkiina, Aniga waxaan diyaar la ahay in aan idinka dhiibo TIKIDHADA Go and BACK ah iyo in aan idiin diyaariyo DEEGAAN iyo WARDIYO ee diyaar matihiin in aad nala shaqaysaan?, ka soo tashada iina soo dira Liiska shaqsiyaadka raba in ay aadan dalkii hooyo.
- MD ISMACIIL, waxuu Codsaday in aan soo aruurino dharka mustacmalka ah “USED CLOTHS” ee yaala Guryaheena in aan soo aruurino kuna shubno CONTAINERS, isagana in uu bixin doono Qarashka Maraakiibta, si loo gaarsiiyo dadka Somaaliyeed ee ubahan dharkaas.
- Ugu dambayntii wuxuu nagu yiri, “waxaa tihiin Safiiradii Somaaliya ee ku dadaala in aad ilaalisaan Sumcadiina iyo mida Dalkiina, idinka ayaa wanaajin kara magaca umadiina, idinka ayaana xumayn kara magaca umadiina ee ogaada, dar daaran kaygu waa intaas ayuu yiri, Mudane Geele.
Maalintaas dadaalkii uu u bilaabay, ayuu wadaa ilaa hada, waana dadaal wax ku ool ah oo mudan in laga mahad celiyo goor walba, mana ahayn in Jabuuti Cadowgeeda loo muujiyo Taageeero Siyaasadeed ilaa ay ERITREA ka soo Celiso Dhulka iyo Dadka ay naga Haysato.
Ugu dambayn, weli waxaa ii muuqda in ay weli Caraysanyihiin walaalaha Reer Jabuuti, waxaana Xaqiiq ah Madaxwayne Geele in uu isu arko Abbe ilmihiisu ugafeen oo isaga israali Geliyey, waayo waad ku adkaatay in uu jiridka ka gooyo GEEDKII uu soo korinayey mudada dheer, lakiin waxaa u mahad celin doono Allahii Abuurtay ee Garansiiyey in uu Caawiyo walaalahiisa Dhiban iyo Inta Alla siiyey Qalbiga fiican ee garan kara Qiimaha Reer Jabuuti.
War iyo Dhamaan waxaan leeyahay Reer Jabuuti, haka caajisina dadaalkiiina, inta aan kala dadsanahay, wanaageena waa wanaagiina, Xumaanteena waa Xumaantiina. Cadowgeena waa Cadowgiina, Cadowgiinana waa Cadowgeena.
QILAAFKII SIYASADEED EE DHEXMARAY SAUDIGA IYO CANADA.
Sida lawada ogyahay waxaa isku dhacay ama uu dhexmaray Dagaal siyaasadeed Dowlada SAUDIGA iyo Dowlada CANADA, Qilaafkaas oo ku salaysan Arimo siyaasadeed oo ka dhexeya labadaasi dal, waxayna kala goosteen xiriirkii Siyasadeed, iyadoo dowlad kasta ay ku edesay dowlada kale in ay faraha la gashay Arimeheeda ugaarka ah.
Canada iyo Saudiga waxay ka mid yihiin dowladaha ugu dhaqaalaha iyo awooda badan caalamka, waxayna xiriir qoto dheer la leeyihiin Somaaliya.
Markii ay isku dheceen Canada iyo Saudiga, Dowlada dhexe ee Somaaliya waxay soo saartay, warsa xafadeed ay ledahay “ waxaan garab taganahay walaalaheena Saudiga, waxayna dowlada dhexe ku tageertay Saudiga Go’aanka uu Xiriirrka Siyaasadeed ugu jaray Canada.
Sida aan horay u sheegay, labadan dowladood, waxaan la leenahay Xiriiro soo jireen ah, waxaana ku nool Shacab Somaliyeed oo aad u badan, kuna haysta shaqooyin iyo Ganacsi balaaran, gaar ahaan Canada waxay qayb wayn ka qaadatay Soo dhawaynta Qaxootiga Somaaliyeed, mana jiro wadan Somali u soo dhaweyey sida Canada u soo dhaweysay, waana wadanka kaliya ay maanta Somaali ku leedahay Magac iyo Maamuus Siyaasadeed.
Go’aanka Dhowlada dhexe ee Somaaliya, wuxuu noqday mid wal wal iyo walaac badan ku abuuray Shacabka iyo Siyaasiyiinta qaarkood, waxaana la iswaydiiday Xaalada siyaasadeed uu abuuri karo go’ankan, gaar ahaan Jaaliyada kunool Canada oo ka biyo diiday go’ankaas, ilaa iyo hadana lagama Qancin Jaaliyada Cabashadooda.!!!
War iyo Dhamaan, Waxaa is waydiin mudan, Dhowlada dhexe ee Somaaliya, Maxay ku salaysay Go’aankaas?, Somaliyase maka maarantaa Xiriirka Caalamiga ah ee dhinac kasta leh ee kala dhexeeya Canada?
Jawaabta su’alahan, waxaan u daynayaa Aqoonyahanka, Siyaasiyiinta iyo Waqtiga soo socda.
DOORASHADII KOOFUR GALBEED IYO XARIGII ROBOW.
Somaalidu waxay tiraahdaa “Nin aduunyo joogow, maxaa aragti kuu laaban”
Mudo laga joogo ilaa Sedex bilood, ayaa Barasaabkii maamulka koofur Galbeed Mudane, SHARIIF XASAN go’amiyey in la geli doono doorasho, waxaana bilowday ololihii doorashada, iyadoo ay doorashada isu soo taageen Siyaasiyiin badan oo u dhashay Gobolka Koofur Galbeed, waxaana siyaasiyiintaas ka mid ahaa MUQTAR ROBOW. waxaana la soo xulay Gudigii maamuli lahaa doorashada.
Waxaa si xowli ah u bilowday ololihii doorashada, waxaana bilowday is Xulufaysi iyo lolan siyaasadeed, waxaana bilowday lolan adag oo ka dhexeyey Dowlada dhexe iyo Barasaabkii Gobolka Shariif Xasan iyo Muqtaar Robow oo ku soo galay si lama filaan ah.
Tartankii ka dhexeyey Dowlada dhexe iyo Shariif Xasan ayaa galay lolan ku salaysan Awood iyo Dhaqaale, waxaana ugu dambeyntii ISDHIIBAY Barasaabkii Gobolka Shariif Xasan, wuxuuna go’ansaday in uu is casilo, “wararka qaar ayaa waxay leeyihiin Shariifka markuu arkay in laga awood iyo Dhaqaale badan yahay ayuu HESHIIS Qatay”.
Dhowlada dhexe ayaa amar deg deg ah soo saartay, amarkaasi oo ku saabsan in uusan ka qayb gali Karin Doorashada MUQTAAR ROBOW, arintaan ayaa dhalisay Kacdoon siyaasadeed, iyo dib u dhac ku yimid waqtigii laqaban lahaa doorashada, waxaana is Casilay shaqsiyaad ka mid ah Gudigii doorashada, iyagoo sabab ka dhigay in ay dowlada dhexe faragelin ku hayso Gudiga, waxaana mar kale dib loo Cayimay maalinta doorashada oo laga dhigay 28 December.
Qilaafkii ka dhexeyey Dowlada dhexe iyo Robow ayaa soo shaac baxay, qilaafkaas oo ku salaysan Robow oo leh waxaan ahay Musharax iyo Dowlada dhexe oo leh Matihid ee waxaa tahay nin aan weli soo buuxin shurudihii Tartanka, wuxuuna murankii ku soo dhamaday in ay dowlada Dhexe soo XIRTO Robow, waxaana ka dhashay kacdoon sababay Naf iyo maal.
Waxaa la qabtay Doorashadii 28-dii December, waxaana Cod Aqlabiyad leh ku guulaystay Mudane, Laftagareen, isagoo taageero xoogle ka haystay Dhowlada Dhexe, waxaana loo dhariyey in uu noqdo Barasaabkii 2aad ee Maamulka Goofur Galbeed Somaaliya.
War iyo dhamaan, waxaa is waydiin mudan, Barasaabka Cusub ma noqon doonaa Hogaamiye la shaqeeya Dhowlada dhexe, maadaama ay soo saartay dowlada dhexe, mise wuxuu noqon doonaa jid gooyo cusub oo u soo korortay Dowlada dhexe?, mida kale Barasaabka Koofur Galbeed, Malaga yaabaa in uu noqdo mid ku yeesha Magac iyo Maamuus Xalinta QILAAFKA u dhexeeya Dhowlada dhexe iyo Barasaabyada kale?
Jawabaha Su’alahan, waxaan u daynayaa Siyaasiyiinta, Aqoonyahanada Somaliyeed iyo Waqtiga soo socda.
BOOQASHADII Madaxwaynaha ERITREA “AFWERKI” EE MUQDISHO.
Waxaa bartamihii December boqasho ku yimid Muqdisho, Madaxwaynaha Eritrea Afwerki, wuxuuna la kulmay Dhowlada dhexe, waxayna ka wada hadleen Xiriirka iyo isbedelka Cusub uu wado Ra’isulwasaraha Ethiopia ABIY.
Waqti kasta uu isbedel siyaasadeed dhoco, dad ayaa dan ku qaba, dadka qaarna dhib ayuu ku noqdaa, hadaba isbedelkan cusub wuxuu Albaab cusub oo GUUL ah u furay Dowlada ERITREA, waayo waxaa loo soo celiyey Dhulkii iyo Maxaa biistii ay ka haysatay Dowlada Ethiopia in kudhow 20 sano, waxaa loo furay Xiriirada Siyaasadeed iyo kuwo dhaqaale, waxaana loo balan qaaday in loo maalgelin doono Dekedeeda.
Isbedelkan cusub wuxuu noqday mid lagu Cadaadiyo Dowlada JABUUTI, si ay ugu hogaansanto isbedelka Cusub uu wado Ra’isulwasaraha Ethiopia, waayo waxaa la ogyahay Mudane, ISMACIIL in uu san ahayn Shaqsi laga fushan karo wixii aan isaga DAN ugu jirin (Means President ISMAIL is not a yes man, and he all ways analyze what is good for him and what is not good for him, “because for the sake of his people”,
Sida ay sheegayaan, warar lagu kalsoon yahay, waxa ay leeyihiin Dowlada KENYA waa diidan tahay isbedelkan cusub iyo qaabka loo wado oo aan ahayn mid ku salaysan Aqoon iyo daraasaad cilmiyeed oo laga sameyey Xaalada Gobolka.
War iyo dhamaan, waxaa is waydiin mudan, Somaaliya maxay ka faa’idi doontaa Isbedelkan Cusub?, Somaliyase mala jaan qaadi kartaa isbedelkan cusub?, maadama aysan jirin dowlad dhexe oo ka talisa guud ahaan dalka, sida Ethiopia iyo ERITREA.
Jawabaha Su’alahan, waxaan u daynayaa Siyaasiyiinta, Aqoonyahanada Somaliyeed iyo Waqtiga soo socda. !!!
WAA TEE MAGALADA UGU AMAANKA FIICAN SOOMAALIYA?
Website-ka Qaranimo, dhamaadka sanad kasta, waxuu Qiimayn ku sameeynaa Magaalooyinka dalka, anagoo fiirinayno Qodobadan soo socda.
- Amniga / Xasiloonida.
- Ganacsiga
- Caafimaadka/Waxbarashada.
Qormadan waxaan awooda sarnay in aan ogaano, magalada ugu Amniga wanaagsan Somaaliya, anagoo aad ugu dadaalnay in aan helno Xaqiiqda dhabta ah ee ka jirta dhinaca Amniga magaala kasta ee ku taal Somaaliya.
Hadaba, xog aruurin naga qaadatay waqti dheer, waxaan baaris ku samaynay Amniga ka jira magaalo kasta, anagoo baaris ku samaynay Amniga ay haystaan Shacabka iyo siyaasiyiinta kunool magaala kasta.
Anagoo fiirinayna sifayaashan,
- Waxaan fiirinaa waqtiyada ay dadka ku gaaraan Goobaha lagu Qaxweeyo, iyagoo miis wada fadhiya, dadkaasi oo isugu jira Shacab iyo Siyaasiyiin
- Waxaan fiinrinaa Siyaasiyiinta, meelo gooni ah oo aad loo wardiyeeyo miyey ku fiid sadaan, mise Shacabaka ayey la fiidsadaan.
- Waxaan fiirinaa Siyaasiyiinta marka ay Aadayaan Guryahooda ma u lugeeyaan wardiye la’aan, mise waxaa la socdo wardiye.
- Waxaan fiirinaa shacabka Cabsi Xaga Amniga ah maka muuujiyaan marka ay lafariistaan Siyaasiyiinta Goobaha lagu Qaxweeyo.
- Waxaan fiirinaa, Siyaasiyiinta si kalsooni ah ma ku dukadaan Goobaha Babliga ah ee shacabka ku Dukado Salaadaha la Dukado, waqtiyada aan lagu jirin shaqooyinka.
- Waxaan fiirinaa habeenkii ma lagu arkaa jidadka magaalada DUMAR si cabsi la’aan ah ugu lugaynaya, si ay u soo fushadaan danahooda gaar ah.
- Waxaan fiirinaa Habeenkii ilaa intee ayey furanyihiin Goobaha Ganacsiga ee kuyaal magala kasta.
- Waxaan fiirinaa jidadka magaalada ma lagu arkaa waqti kasta, Shacab ama Ciidan Hubaysan.
Hadaba, Magaalada buuxisay dhamaan Qodobadan kor ku xusan, waxay noqotay MAGAALADA DHUUSAMAREEB, waana horu mar farxad leh oo u soo kordhay shacabka ku nool magaaladaas.
Waxaana leenahay ku dadaala in aad xoojisaan Nabada iyo Amniga aad haysataan, si aad tusaale ugu noqotaan magaalooyinka kale, waayo Nabad la’aan waa Nolol la’aan.
AQOONYAHANADII UGU FIKIRKA IYO TALOOYINKA WANAAGSANAA SANADKAN 2018.
Somaalidu waxay tiraahdaa “Dad xume ninkii kuyiraa, waxaa la yiraa dad laawe”
Umad kasta horu markeeda waxaa qayb wayn ka qaata, Aqoon yahanadeeda, gaar ahaan kuwa DIINTA iyo CILMIGA maadiga, waana kuwa mar walba Difaaca Xaqa iyo Xuquuqda umadooda.
Sida aan ognahay Somaaliya waxay soo martay Bur bur Nololeed iyo mid dhaqaale, taasi oo sababtay in Shacabkeena uu ku kala Baaho Caalamka, iyagoo ku dhiban meelaha qaar.
Hadaba, waxaa jira Aqoonyahano Somaaliyeed oo mar walba u taagan Barida DIINTA iyo Difaacida Sharafta iyo karaamada umada Somaaliyeed meel kasta oo ay joogaan.
Aqoonyahanadan waxay wax wayn ka badeleen Aqoon darida haysay umada Somaaliyeed DIIN ahaan iyo Aqoon ahaan dhinaca maadiga, iyo dhisida garaadka aqooneed, iyagoo mar walba kula dar daarmo in ay xoojiyaan arimahan soo socda umada, si ay u noqdaan dad jira.
- Barashada Diinta Islaamka, Caruur iyo waayeel dhamaan.
- Ilaa linta midnimada walaalnimo, Diiniyan iyo Dhaqan ahaan.
- Ilaa linta Xuquuqda DUMARKA si waa faqsan Shareecada ama DIINTA ISLAAMKA.
- Ilaa linta Tarbiyada Caruurta, Xuquuqda waalidka.
- In la gaaro isku filaansho Nololeed, si looga kaaftoomo baryo bini’adan.
- Madaxda iyo Siyaasiyiinta in ay daacad u noqdaan dalkooda iyo dadkooda.
- In aan la qaadan Quursiga iyo Bahdilka ay nagu sameeyaan siyaasiyiinta shisheeye.
- Dhiiga iyo Dhalyada Somaali in uu mid yahay meel kasta ay ka joogaan dhulka 5-ta Somaali.
- In la iska kaashado horu marka iyo Nabada guud ahaan, meel kasta oo Somaali joogto.
- In umada laga daayo Gobolaysiga, kala Qoqobka iyo Hadalada Xanafta leh ee lagu abuurayo is Nacayb iyo Colaadaha joogtada ah, laguna laayo Shacab walaalaha ah oo is dhalay, isu dhaxay, isla dhashay.
Hadaba, dhamaan Qodobadan kor ku Xusan, waxaa buuxiyey shaqsiyaad isugu jira Culimaa udiin iyo Aqqon yahano ku xeel dheer Cilmiga maadiga ah.
Soo xulashada Aqoon yahanadan, waxaan ku salaynay Qodobadan.
CULIMADA DHINACA DIINTA ISLAAMKA.
- Nuxurka Muxaadarooyinka ay qabtaan.
- Fasiraada iyo Fahamsiinta Nuxurka Diinta.
- Culimada ay dadka ugu jecelyihiin dhagaysiga wacdiyadooda.
- Is waafajinta DIINTA iyo LOSHA aduunka.
- ilaalinta midnimada guud, walaalnimada
AQOONYAHANADA CILMIGA MAADIGA.
- Waraysiyada ku saabsan Arimaha Somaaliya ee ay siiyaan idaacadaha oo aan lahayn XANAF iyo Nacayb, iyagoo mar walba ku hadla, Hadalo aqoon korosi iyo Horumar leh.
- Iyagoo mar walba difaaca midnimada Somaali in ay tahay waa jib.
- Iyagoo mar walba ka dhiibta Talooyin wax ku ool ah, sida loo soo celin karo midnimada Somaali.
- Iyagoo mar walba uhura waqtigooda shirarka looga hadlo arimaha Somaali.
- Iyagoo shirarka Caalamiga ah ku difaaca Sharafta Somaaliyeed.
- Iyagoo si Cabsi la’aan ah u magaaco, Siyaasiyiinta AJNABIGA ah ee ka qayb qaadatay BUR BUR ka Dalkeena.
- Ka tala bixinta isbedelka cusub ee Gobolka, Fa’idada iyo Dhibatada uu u leeyahay Somaaliya.
MAGACYADA AQOON YAHANADAAS OO KALA AH.
- Sheikh Mustafa Ismail
- Sheikh Omar Dirir
- Sheikh Hassan Jaamici
- Sheikh Bashiir Shiil
- Pro, Hussein Warsame
- Pro, Ibraahim Farah Bursaliid
- Ra’isul Wasare, Mahdi Mohamed Guleed
- Dr, Ahmed Tiir
- Aqoon yahan, Sucaad Caamiye
- Aqoon yahan, Sheikh Mahamud Sheikh Ahmed Dalmar BBC-da
- Wariye Haruun Macruuf VOA-da
Dhamaan aqoon yahanadan waa shaqsiyaad kuleh Karaamo iyo Qadarin umada dhexdeeda, waxaana Aminsanahay Qaarkood in ay mustaqbalka Noqon karaan Hogaamiya yaasha Mustaqbalka.
Tusaale, Ra’isulwasaaraha 2aad Mudane, Mahdi Guuleed, Kacaankii kadib, lama arag siyaasi ku dhiirada in uu magacaabo Siyaasi Itoobiyan ah, Mahdi waa Siyaasiga kaliya ee si cad u yiri “No more Janeral GABRE” and most of the Somalis knew, JANERAL GABRE is the man who destroyed our People and divided our Country.
AQQONYAHANADII KU SHIRAY JABUUTI, MAXAY KA FAHMEEN DARDAARANKII MADAXWAYNE ISMACIIL CUMAR GEELE?
Shir uu soo qaban qaabiyey Machadka HERITAGE ee fadhigiisu yahay Muqdisho, ayaa lagu qabtay JABUUTI, waxaana looga hadlayey Xaalada ay ku sugantahay 5-ta Somaali Guud ahaan, iyo Horu marka laga fili karo Isbedelka Cusub uu wado Ra’isul wasaraha Ethiopia.
Hadaba, gaba gabadii shirkaas, waxaa la hadlay Aqoonyahanadii ka soo qayb galay shirkaas, Madaxwayne ISMACIIL CUMAR GEELE oo marti loo ahaa, wuxuuna aad ula dardaarmay Aqoonyahnada in ay umada uga fa’ideeyaan aqoontooda iyo waya aragnimadooda meel kasta oo ay joogaan, kana shaqeeyaan sidii lagu soo celin lahaa Sharaftii iyo karaamadii umada Somaaliyeed.
Mudane, Ismaciil, mar uu ka hadlayey Isbedelka Cusub, wuxuu cadeeyey in loo bahan yahay Horu mar iyo Isbedel ku soo kordha Gobolka, laakiin wuxuu Su’aal geliyey Horumarka la rabo nooca uu yahay?, iyo qaabka loo wajahayo?
Ugu dambeyntiina, wuxuu ku adkeeyey aqoonyahanada in ay maxkaxdooda shiilaan oo keenaan, aqoon iyo Cilmi lagu horu marin karo umada Somaaliyeed, si loogaaro nolol Xor ah oo ka madax banaan, kaalma shisheeye.
Soo gunaanaday shirkaas, ayuu ugu maah maahay Aqoonyahnaka “waa bahanahay, bahalo looma cunno”, taasi oo laga dha dhansankaro in uu san ka Dhax arkin Dan Somaaliyeed Isbedelka Cusub, wuxuuna si afgobaadsi leh ula hadlay inta wax fahmaysa ee ku abtirsata Somaali.
War iyo dhamaan, waxaa is waydiin mudan, Aqoon yahanada Somaaliyeed sidey u arkaan Isbedelka uu wado ABIY Ahmed?, Muxuuse Isbedelkan u leeyahay Faa’ido iyo Dhibaato Somaaliya?
Jawabaha Su’alahan, waxaan u daynayaa Siyaasiyiinta, Aqoonyahanada Somaliyeed iyo Waqtiga soo socda. !!!
DEGMADII UGU AMAANKA IYO HORUMARKA XUMAYD GOBOLKA BANAADIR,
Somaalidu waxay tiraahdaa “gacmo wada jir, ayey wax ku gooyaan”
Degmadii ugu Amaanka iyo Horumarka Xumayd Gobolka Banaadir oo laga dareemayo Horumar iyo Amni bilow ah, waxaana sabab u ahaa dadka degaanka oo dib isu abaabulay, si ay u soo ceshtaan Nabada iyo Xasiloonida deegaanka DAYNIILE.
Waxaana loo magacaabay degmada Gudoomiye Cusub oo wax wayn ka bedel Nabada iyo Horumarka degmada, isagoo kaashanaya shacabka deegaanka
Hadaba, degmada DAYNIILE waxaa laga dareemayaa horumar iyo Amri Xowli ku socda, waxaana sii kordhaya tirade Shacabka kunool degmada iyagoo sii kordhaya maalinba malinta ka dambeysa.
Waxaa kalo qayb wayn ka qaatay horu marka degaanka Dayniile Qurba joog ku samaysay maal gashi, iyagoo kor uqaaday bilicda deegaanka, kadib markii ay ka dhiseen Guryo iyo Hoteelo wax tar leh.
Waxaa sii kordhaya Qiimaha Dhulka oo markii hore ahaa meelaha ugu jaban Muqdisho, waxaana Mahadaas leh Gudoomiyaha Cusub iyo inta la shaqaysay oo ay ugu horeeyaan qurba joogta.
Qurba joogta muujisay dadalka wax ku oolka ah, waxaa ka mid ah shaqsiyaadkan.
- Maxamed Cali Jisow
- Safiya Maxamed Farax
- Sowdo Maxamud Roble Camay
- Raxmo Maxamed Farax
- Mama Caasha Shaacuur
- Iyo dad kale oo u dhashay deegaanka
Waxaa kaloo jiro dhaliyaro iskood isu xilqaamay oo anan aheyd qurba joog balse ah dad degan deegaanka degmada Dayniile oo u istaagay soo celinta bilicda iyo amniga degmada Dayniile kuwaas oo lagu magacaabo DEEGAN BILE. Waxa ay si mutadawacnimo ah u sameeyaan howlihii ay qaban lahayeen hey’ado dowladeed sida gelinta NALALKA, NADAAFADA iyo DHISMAHA MEELAHA DANTA GUUD.
Ugu dambeyn mustaqbalka dhow waxaa la rajaynayaa degmada Dayniile in ay noqoto, degmo horumarkeedu uu ku socdo si xowli ah, lana rajaynayo in ay buuxiso shuruudaha lagu yaqaan degaan ay ka jirto Nabad iyo Nolol.
Aqristow midna ogow “Talooyinkaaga iyo Dhaliishaada daacadnimo waa muhiim ee nagu caawi”
.
W/Q Cumar Faarax
Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho
__________________________________________________
_____________________________________________________________________________________Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia
_____________________________________________________________________________________