Muqdisho | QOL | December 11, 2018 —92 Xildhibaan oo kamid ah golaha shacabka ayaa u gudbiyey guddoomiyaha golaha shacabka soo jeedin xambaarsan 5 eed oo waaweyn, waxa ciwaan looga dhigay ‘Hindisaha Xil ka qaadista Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya’ ereybixintaasi waxa ay waafaqsan tahay dastuurka kmg oo qodobka 92aad uga hadlaya Maxkamadeynta iyo maamuus kaqaadista madaxweyne Jamhuuriyadda, sida lagayaabo in aad la socoto Soo jeedintan waxa la qoray dabayaaqadii sanadkii 2017, si gaar ah xilligii ay taagnayd xasaraddi siyaasadeed ee kadhalatay qabashada iyo dhiibista Cabdikariin Sheekh Muuse Qalbidhagax oo bishii Agosto ay xukuumadda Soomaaliya u gacan gelisay xukunkuumaddii xilligaas ee Itoobiya, qabashadiisa iyo gacangelintiisu waxa ay dhacday 23-8-27-8-2017, balse bishii June-2018 ayaa Qalbidhagax laga daayey xabsiga kaddib isbeddelka xukunka Itoobiya.
Muddo sanad iyo dheeraad ah Mooshinka Xil ka qaadista Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya’ waxa uu la’aa tirada xildhibaanada uu u baahan yahay si loo diiwaangeliyo looguna aqoonsado soojeedin meelmar ah, hayeeshee intii u dhexeysay Okober-2017 illaa November-2018 ayuu helay tiro dhiirrigelisay xildhibaanada waday soo jeedintan.
Waa maxay sababta uu xilligan u helay tirada 92 xildhibaan?
Inkasta oo xildhibaano kuqoran saxiixa Mooshinka Xil ka qaadista Madaxweyne Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya’ ay sheegeen in aanay ku jirin oo laga beensheegay saxiixa mooshinkan qaarkoodna ay saxiixeen sanadkii 2017, haddana sidii ay tahayba soo jeedintan waa la qabtay waana la diiwaangeliyey, waana suuragal in xal dhexdhexaad ah laga gaaro mar haddii uu jiro heer uu kala qaybsan yahay guddoonka golaha shacabku.
Xasaradaha siyaasadeed ee kadhasha go’aanada iyo ficilada xukunku (Backlash) waxa ay u baahan yihiin in si deggan oo dhaqsi ah loo xalliyo inta aanay isgaarin oo aysan sababin kacdoon siyaasadeed, kaas oo siyaasiyiinta qaarkood isku qariyaan si ay u xaqiijiyaan danaha iyo masaalixda u gaarka ah.
Tusaale ahaan xukuumadda Raisalwasaare Xasan Cali Khayre waxa ay gaartay muddada ay jirto guul iyo guuldarro labadaba, guuluhu waxa ay u baahan yihiin sii waddid halka guuldarradu u baahan tahay maareyn iyo yareynta saameynta ka dhalatay.
Dhinaca Nabadgelyada
Haddii aad xusuusato Qaybta difaaca iyo amniga ee xukuumaddu waxa ay ka kooban tahay 10 hay’adood, waana mid kamid ah dhinacyada uu ballanqaadka adag ka sameeyey Raisalwasaare Kheyre islamarkaana uu kahor sheegay Baarlamaanka in uu siinayo muhiimadda koowad, dowladda Soomaaliya waxa ay ku khasirtay Qaybta difaaca iyo amniga dhaqaale badan, iyada oo ay sidaas tahayna waxa dhacay intii u dhexeysay June-2017-Sep-2018 oo muddo sagaal bil ah 9 weerar oo sababtay dhimashada iyo dhaawaca 1144 muwaadin, mid kamid weeraradaas waxaa ku hanta belay 364 muwaadin waxaana uu ka tegey carruur agoon ah oo tiradooda tahay 1547 carruur ah.
Inkasta oo xilka lagaqaaday madax badan oo kushaqo lahayd nabadgelyada haddana habkii loo maareeyey falcelinta weeraradaasi ma ahayn mid xukuumadda ka dabooli kara dulduleellada iyo gaabiska dhanka howl gudashada, sidaas awgeed mar walba oo xukuumaddu aanay si habboon oo maangal ah uga jawaabin dhacdooyinka waxa abuurmaya jawi ay ku imaan karaan soo jeedin kadhan ah madaxda laanta fulinta.
Xiriirka xukuumadda iyo Baarlamaanka
Labada hay’adood ee xeerdejinta iyo Fulintu waa in ay wadashaqeeyaan islamarkaana isdheellitiraan, laanta xeerdejintuna ay kormeerto howlgudashada laanta fulinta si kafog in lagu cabbiro sida ay xukuumaddu uga jawaabto baahida iyo danta shaqsiga ah.
Saddex arrimood oo waaweyn ayaa dhabqisay xiriirka xukuumadda iyo golaha shacabka oo horraantii sanadkii 2017 xukuumadda Raisalwasaare Kheyre ku aqbalay cod aqlabiyad ah hayeeshee xiriirka labada hay’adood ayaa la kulmay dhowr caqabadood oo sababay in golaha shacabku sanadka dhammaanaya oo dhan meelmariyo oo keli ah xeerka isgaarsiinta.
Doorashada dowladgoboleedka KGS, tartanka iyo musharaxnimada Muqtaar Roobow Cali guddoomiye ku xigeenkii hore ee Alshabaab iyo ciidanka ay xukuumaddu geysay Baydhaba ayaa saaciday in Mooshinka Xil ka qaadista Madaxweyne Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya’ uu helo hawo uu kudhaqdhaqaaqo, sababta ugu weynna waxa suuragal ah in ay kadhalatay habka arrimaha ay xukuumaddu uga falcelisay.
Arrinta guddiga maaliyadda iyo warbixintii ka soo baxday guddigaas ayaa iyaduna ahayd caqabad kale oo sababtay kala taagnaan aan macno weyn lahayn oo kutimid xukuumadda iyo golaha shacabka, waxa ay arrintii u sii gudubtay in guddoonka golaha shacabka qudhiisu uu ku kala aragti duwanaado sida loo xallinayo xasilooni la’aanta siyaasadeed ee u dhexeysa laanta fulinta iyo xeerdejinta.
Go’aanka labada guddoomiye ku xigeen ee khilaafka
Hadalka ay jeediyeen guddoomiye kuxigeenada 1aad iyo 2aad ee kusaabsan sida loo maareynayo khilaafka waxa uu uga sii daray siina cakiray xaaladda, halkii ay ahayd in ay si deggan oo taxadar leh u maareeyaan xallinta khilaafka waxa ay Cawad iyo Muuddeey doorteen in ay adeegsadaan luuqad adag oo dareenka iyo caadifadda shidaal ku sii shubeysa.
Dowlad-goboleedyada iyo xukuumadda dhexe
Xasarad kale oo iyaduna saameynteeda leh ayaa ah xiriirka dowladgoboleedyada iyo dowladda dhexe oo aan wanaagsanayn, xiriirkaas sida ay xukuumaddu u maareysay waxa uu sababay in xaalku sii cakirmo oo uu kala go’o xiriirka dowladda dhexe iyo dowladgoboleedyadu.
Iscasilaaddii madaxweynihii KGS iyo cakirnaanta xaaladda Galmudug ayaa kamid ah mashaakilka kadhashay xiriir xumada xukuumadda dhexe iyo dowladd-goboleedyada.
Xalka ugu sahlan ee Mooshinka
Madaxweyne Farmaajo waaya-aragnimo fiican ayuu u leeyahay mashaakilka kadhasha xasaradda siyaasadeed ee ka dhex dhalata Baarlamaanka iyo xukuumadda iyo sida ay u saameyn karto howlgalka laamaha xeerdejinta iyo Fulinta, sidaas awgeed isaga oo adeegsanaya xog-ogaalnimadiisa waxa ugu habboon ee uu qaadi karo si xal dhexdhexaad ah loo gaaro waa in uu si taxadar leh wadahadal ula furo guddoomiyaha golaha shacabka islamraakana marka hore gacan ka geysto in guddonka Baarlamaanku wadashaqeeyo, xalka khilaafkana si wadajir ah u m aareeyo.
Guddoomiyaha golaha shacabkuu waxa uu muddo hadda laga joogo kuyimid xilka guddoonka kaddib khilaaf ka dhex dhashay laanta fulinta iyo golaha shacabka kaas oo sababay in uu xilka ka tago guddoomiye Jawaari, sidaas awgeed isaga oo oh wixii dhacay iyo dhibkii ka dhashay khilaafkaas waa in uu caqliga calaliyo oo xaqiiqda taal dhulka hoos u eego.
Maxkamad Dastuuri ah ma jirto illaa hadda
Doodda guddoomiye kuxigeenka 1aad ee golaha shacabka ee kusaabsan in aan guddoomiyaha golaha shacabku qaban karin Mooshin kadhan ah madaxweynaha waxa suuragal ah in ay ka shidaal qaadaneyso qodobka 92aad xubintiisa labaad oo ifineysa jihada ay tahay in ay gasho dhegeysiga eedda kadhanka ah madaxweynaha oo ah maxkamadda Dastuuriga taas oo aan weli jirin, sidaas daraadeed la’aanta maxkamadda Dastuuriga ah waxa ay Mooshin walba oo kadhan ah madaxweynaha kadhigeysaa mid qofba sidii u udoono u fasirto kama dambeystana xal suuragal ah laga gaaro
Qodobka 92aad. Maxkamadeynta iyo Maamus-Ka-qaadista Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka ee Soomaaliya
- Xil-ka-qaadidda Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya waxaa soo jeedin kara Golaha Shacabka marka lagu eedeeyo khiyaano-qaran, xadgudub culus oo Dastuuri ah ama ku-xadgudub sharciyada kale ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.
- Hindisaha xilka-qaadista Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka waxaa golaha hor-keeni kara ugu yaraan saddex dalool hal dalool (1/3) xubnaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka, Maxkamadda Dastuuriga ayaa galaysa dhageysiga eedeyntu inay sal leedahay.
- Haddii ay go’aamiso maxkamadu inay eedayntu sal sharci leedahay, saddex dalool labo (2/3) ee labada aqal ee Baarlamaanka ayaa Madaxweynaha xilka ka qaadaya.
- Haddii Madaxweynaha xilka lagaga qaado si waafaqsan faqradaha 1 ilaa 3 ee qodobkan, waxaa xilka madaxweyninimo la wareegaya Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka.
WQ: Axmed C. Guutaale
Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho
_____________________________________________________________
_____________________________________________________________________________________Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia
_____________________________________________________________________________________