Mogadishu | QOL | December 10, 2018—Dadweyne farabadan ayaa isugu soo baxay wadooyinka Waaweyn ee Magalada Muqdisho,iyaga oo ka soo horjeeda mooshinka Xildhibaano ka tirsan Golaha Shacbaka ka gudbiyeen Madaxweyne Farmaajo.
Dadweynahaan oo ka kala yimid degmooyinka Gobolka Banaadir una badan dhalinyaro ayaa wax ay ku dhawaaqayaan erayo ay ka mid yihiin Mooshin dooni meyno, doolar qaate dooni meyno iyo qaran dumis dooni meyno.
Qeybo ka mid ah wadada Soddonka tan Maka Almukarama ayaa dadweynaha lagu arkayaa,kuwaas oo gacmaha kor u taagaya kana soo horjeedaan mooshinka.
Shalay Gelinkii dambe ayay tiro Xildhibaano ah mooshinka ka gudbiyeen Madaxweyne Maaxamed Cabdullaahi Farmaajo,waxaana mooshinkaas uu kala qeybiyay Guddoonka Golaha Shacabka.
Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho
____________________________________________________
_____________________________________________________________________________________Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia
_____________________________________________________________________________________