Muqdisho | QOL | Nofeembar 21, 2018 –21 Nofembar waa maalinta loo asteeyay Macalinka Sommaliyeed, waxaa habbon in aan dul istaagno Macalin iyo Qiimaha uu ugu fadhiyo Bulsho.
Waa kuma Macalin?
Macalin waa:
Midka gaarsiiya bulshada himiladeeda.
Ka badbaadiya bulshada mugdiga Jahliga.
Gaarsiiya bulshada baraaraha Cilmiga iyo Aqoonta.
Ilaaliya Hiddaha & dhaqanka bulshada.
Haddaba Macalinka waa Shumac holcaya dadkana u ifinaya noloshooda
Howlaha Macalinka
Caruurtu waxa ay kusoo barbaaraan Bulshada Guriga,Bulshada Xaafadda,kadibna Caruurta waxa ay tagaan dugsiyada waxbarashada oo ah Bulshada sedexaad oo ay ku biiraan caruurtu, waxa ay caruurta kala kulmaan Iskuulka Bulsho kabalaaran Tii Griga & Xaafada .
Bulshada Iskuulka waxay kaga duwantahay labadaas hore in ay ka koobantahay 4 qeyb :
Maamul
Shaqaale
Arday
Macalimiin
Afarataas ayaa saameynta tooska ah ku leh Ardayda waana Macalinka, sababtuna waa xirirka tooska ah ee uu la leeyahay macalinku ardayga, xiriirkaas ayaa ah xiriirka waxbasharada, taasna waxa ay keeneysaa in ardayga uu mar walba isku dayo in uu kudaydo Macalinka maadaama uu u arko in uu yahay Qof ka aqoon badan oo ka waayo aragsan.
Haddaba Macalinka waa kaas wuxa uu sawir ka sii bixiyaa nooca ay noqonayaan Jiilash soo koraya ee Bulshada .
Heerarka & Duruufaha uu soo Maray Macalinka
Marka aan fiirino Macalinka Somaaliyeed waxaa noo muuqanaya in uu soo maray heerar & duruuf kaladuwan badankeeduna waxa ay aheyd mid aad ugu adag Macalinka Soomaliyeed xagga shaqada & xagga xuquuqda.
Xuquuqda macalinka waxa loo qaybiyaa laba nuuc oo kala ah:
Mid ku saabsan horumarinta aqoontiisa
Mid ku saabsan Noloshiisa.
Marka aan gadaal u raacno Sooyaalka taarikhda waxbarashada Soomaaliya waxa aan xilligii ugu dhowaa uguna habboonaa ee Macalinka soomaaliyeed uu helo xuquuqihiisa waxa uu ahaa tobankii sano ee ugu horeysay Rajiimkii Kacaankii 21 Oktoobar , waxaana muujinaya in la sameeyay xilligaasi sanadkii1974 maalin lagu maamuusaayo Macalinka Soomaaliyeed oo ah 21 Nofembar.
Marka aan qiimeeyo dhinaca ay xuquuqda macalinku ugu Liidatay waa intii kadambeesay 1991 kii oo uu macalinku noqday mid dayacan ama xooggiisa laga faa’iideysto isaga oo aan heleyn inta ugu yar ee xuquuqdiisa xag nolol & xag kobcinta aqoontiisa oo ah mid aad muhiim u ah.
Baahaida Macalin
Hadda waxyaabaha ugu waaweyn ee u baahanyahay macalin In laga haqabtiro waxaa ka mid ah:
Dhinaca Shaqadiisa
In uu helo tababaro kor loogu qaadayo aqoontiisa iyo
In lagu dhiiri giliyo Cilmi Baarista kobcineyso aqoontiisa.
In loo diyaaariyo jawi degan uu wax ku bari karo ardayda(ku gudan karo waajibkiisa shaqo).
Dhinaca Baahida macalinka
In Macalinka helo Qadarin & Ixtiraam
In uu helo mushaaar ku filan & gunno
In uu helo daryeel caafimaad , in hadii howlgab uu noqdo ay sameyso dowladda Soomaaliyeed xeer siinaya lacagta howlgabka & haddii uu geeriyoodana u wareejinaya caruurtiisa .
In dowladdu soo saarto xeerar lagu ilaalinayo xuquuqda macalinka.
Dhinaca Niyadda
In la bedelo aragtida bulshada ka heysato Macalinka.
In la ilaaliyo karaamada& sharafta Macalinka lana siiyo kalsooni iyo in maamulka Iskuulka & waalidiinta ay garab ku siiyaan Macalinka gudashada shaqadiisa .
Gunaanadkii Qormadaan kooban
Baruhu waa in tixgeliyaa waxyaabahan:
In uu ogaado in shaqadiisa ugu weyn ay tahay in uu beddelo habdhaqanka ardayga
In uu ogaado muhiimadda uu xilligan leeyahay o ah in uu kahortago dhaqamada la soo minguuriyo ee kayimaado dhaqamada kale
WQ: Dr: Cabbdullaahi Sh. Abuukar
Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho
__________________________________________________________
_____________________________________________________________________________________Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia
_____________________________________________________________________________________