1704 Views

Amar markale lagu soo rogay Golaha Wasiiradda Koonfur Galbeed

Amar markale lagu soo rogay Golaha Wasiiradda Koonfur Galbeed
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL |  Nofeembar 16, 2018 –Sii-hayaha Madaxweynaha ahna Guddoomiyaha Golaha Wakiilada Dowladda maamulka Koonfur Galbeed Mudane C/qaadir Shariif Sheekhuna oo shir la qaatay qaar ka mid ah golaha Wasiiradda maamulka Koonfur Galneed ayaa Markale ku Amray in ay ilaaliyaan Hantidada dadweynaha.

Kulanka Waxaa looga hadlayay xaalada guud ee amniga KGS iyo in wasaarad waliba wixii agab ah ay hayso, iyadoo qoraal ahaan ah u keenaan xafiiska Madaxweynaha KGS si xiligan kala guurka ah aysan u dhicin ku tagrifal awoodeed.

Qaar ka mid ah Wasiiradda maamulka Koonfur Galbeed ayaa soo gudbiyay hantida iyo qalabka ay hayaan, waxaana ka tijaabiyay siihayaha xilka Madaxweynaha Koonfur Galbeed.

Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta maamulka Koonfur Galbeed Ugaas Xasan ayaa warbaahinta u sheegay in la isla gartay in la ilaaliyo hantida dadweynaha si loo dardargaliyo howlaha maamulka.

 

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

__________________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment