Muqdisho, Nofeembar 14, 2018 —Xildhibaanada Golaha Shacabka BJFS ayaa maanta kulan ka yeelanayo u codeynta ku noqoshada miisaaniyadda 2018 taas oo xubnaha Golaha Shacabka ay soo gudbisay wasaaradda maaliyadda.
Ajendaha kulanka ayaa ah u codeynta ku noqoshada miisaaniyadda 2018 iyo aqrinta saddexaad ee hindise sharciyeedka Golaha Mihnadlayaasha Caafimaadka.
Xildhibaanada golaha shacabka ayaa Isniintii la soo dhaafay dood dheer ka yeeshay ku noqoshada miisaaniyadda,iyadoo ay soo bandhigeen talooyin ku saabsan ku noqoshada miisaaniyadda oo ay ku jiraan xuquuqda iyo mushaarka ciidamada Qaranka Billaha kala ah October, November iyo December ee Sanadkan.
Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho
_____________________________________________________
_____________________________________________________________________________________Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia
_____________________________________________________________________________________