1500 Views

Kusimaha madaxweynaha ahna Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo cambaareeyey qaraxyadii bahalnimada ahaa

Kusimaha madaxweynaha ahna Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo cambaareeyey qaraxyadii bahalnimada ahaa
____________________________________________________________________________

Muqdisho, Nofeembar 09, 2018 —Kusimaha Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Ahna Guddoomiyaha Golaha Shacabka Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan ayaa cambaareeyay weerarkii Galabta ka dhacay Isgoyska Km4 gaar ahaan hotelka Saxafi.

Waxa uu u tacsiyeeyay Qoysaskii Ehelkooda ku dhinteen Qaraxyadaas, isaga oo sidoo kale alle ugu baryay in uu caafimaad deg deg ah siiyo dadkii dhaawacmay.

“Anigoo ku hadlayay Magacayga iyo kan madaxweynaha Jamhuuriyadda waxaan cambaareynayaa falkii argagixisinimo ee galabta dhacay,dadkii ku geeriyooday Naxriistii jano Allaha haka waraabiyo kuwii uu dhaawac soo gaareyna Caafimaad deg deg ah allaha ha siiyo” Ayuu yiri Guddoomiyaha Golaha Shacabka.

Kusimaha Madaxweynaha Jamhuuriyadda Ahna Guddoomiyaha Golaha Shacabka ayaa Al-Shabaab ku eedeeyay in ay Beegsadaan dadka aan waxba galabsan, isaga oo tusaale ugu soo qaatay weerarkii Galabta.

Ciidamada Dowladda waxa uu ku amaanay sida ay ugu jawaab celiyeen Weerarkii maanta ka dhacay Magaalada Muqdisho, isaga oo ku sifeeyay in ay naftooda u hureen.

Hay’adaha Ammaanka waxa uu faray in ay adkeeyaan sugidda ammaanka kana hor tagaan Falalka amniga Liddiga ku ah sida uu sheegay.

“Waxay dad Shacab ah  qarxiyeen iyadoo ay tahay maalin jimca ah oo ah maalin ka duwan maalmaha kale sidoo kale ay ciid u tahay dhamaan dadka muslimiinta ah waa koox caadeysatay daadinta dhiiga Shacabka Soomaaliyeed,waxaana dadka Soomaaliyeed  ugu baaqayaa in ay u midoobaan la dagaalanka kooxaha Argagixisada ah”  Ayuu yiri Kusimaha Madaxweynaha Ahna Guddoomiyaha Golaha Shacabka.

Qaraxyadii Salaadii Casir ee Galabka ka dhacay inta u dhaxeysa Hotel Saxafi iyo Isgoyska KM4 waxaa ku dhintay dad ku dhow 30-ruux, halka tiro kalena ay ku dhaawacmeen sida laga soo xigtay Saraakiisha Caafimaadka.

 

W/Q:-Bashiir Barre Ali 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

______________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment