1422 Views

Shirka todobaadlaha ah ee maamulka Gobolka Banaadir oo lagaga hadlay amniga

____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | October 31, 2018 —Duqa Muqdisho ahna Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Mudane Cabdiraxmaan Cumar Cusmaan (Eng. Yarisow) oo guddoomiyey kulanka todobaad-laha ah ee Maamulka Gobolka ayaa faray Maamullada Degmooyinka dar-dargelinta Nadaafadda Caasimadda.

Kulanka Todobaadlaha ah ayaa waxaa sidoo kale lagaga hadlay xoojinta wada shaqeynta laamaha ammaanka iyo Maamulka Degmooyinka, iyadoo laga dhageystay Guddoomiyeyaasha warbixinno la xiriira Amniga.

Guddoomiye Ku-xigeennada Gobolka iyo Guddoomiyeyaasha Degmooyinka ayaa soo bandhigay warbixinno ku saabsan amniga, arrimaha bulshada, nadiifinta gooobihii uu biyaha dhigay Roobka iyo dib-u-casriyeynta Nalalka Caasimadda oo kuwii hore lagu badelayo nalal la jaan-qaadaya Caasimadaha Caalamka, iyadoo mashruucan wajigiisa koowaad uu ka socdo wadada Makkah Almukarama ilaa iyo Garoonka Aadan Cadde.

Duqa Muqdisho ayaa sheegay iyadoo laga duulayo waajibaadka ka saaran ilaalinta nadaafadda deegaanka in la bilaabay qorshe dib loogu habeynta nidaamkii hore ee Nadaafadda Caasimadda, isla markaana ay si tijaabo ah muddo saddex bilood ah uga wada howlgeli doonaan saddexda degmo ee Shibis, Wadajir iyo Waaberi iyagoo iskaashanaya Maamulka iyo Shirkadda Qashinka ee ECCO, si xal maangal ah loogu helo caqabadaha hortaagan guul ka gaarista nadaafadda.

Sidoo kale,Shirka ayaa looga hadlay Barnaamijka is-xilqaan ee lagu dhisayo dalka, gaar ahaan howllaha ka soconaya Golaha Murtida iyo Madadaalada, Madbacadda Qaranka, Madxafka iyo Garoonka Ciyaaraha ee Muqdisho.

Kulanka ayaa waxaa ka soo qeyb-galay Guddoomiye-xigeennada Arrimaha Amniga iyo Siyaasadda, Arrimaha Bulshada, Howllaha Guud iyo Xog-hayaha Gobolka Banaadir.

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

_____________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment