Muqdisho | QOL | October 31, 2018 —Wafdi ka socda Midowga Afrika iyo Qaramada Midoobey ayaa maanta gaaray Magaalada Baydhaba ee Caasimadda KMG ah ee maamulka Koonfur Galbeed.
Nicholas Haysom iyo Francisco Madeira, ayaa Magaalada Baydhaba kula kulmay Madaxweynaha Maamulka Koofur Galbeed Shariif Xasan Sheekh Aadan.
Madaxweynaha maamulka Koonfur Galbeed ayaa hadda ah Gudoomiyaha Golaha Iskaashiga maamul goboleedyadda, waxaana Kulanka diiradda lagu saaray khilaafka u dhaxeeya dowladda Federaalka ah iyo dowlad Goboleedyada.
Waxaa kale oo ay ka wada hadleen doorashada Madaxtinimada ee bisha soo socota ka dhaceysa degaannada Koofur Galbeed.
Todobaad ka hor ayay gaareen magaalada Kismaayo Wakiillada Qaramada Midoobey iyo Midowga Afrika Waxaana ay wali waddaan dhexdhexaadinta dowladda dhexe iyo dowlad Goboleedyada.
Madaxweynaha Jubaland ayaa todobaadkii hore ayaa sheegay in ay ka go’an tahay in ay taageeraan go’aamada beesha Caalamka.
Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho
_____________________________________________________
_____________________________________________________________________________________Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia
_____________________________________________________________________________________