3066 Views

Madaxweynaha Turkiga oo furay wajiga hore ee mid ka mid ah garoomada caalamka ugu weyn

____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | October 29, 2018 —Madaxweynaha Turkiga Recep Tayyip Erdogan ayaa dhagax dhigey mashruuc weyn oo lagu balaarinayo garoonka diyaaradaha Istanbul taasoo haddii la soo dhamaystiro uu noqon doono mid kamid ah garoomada diyaaradaha caalamka ugu weyn.

Warbaahinta Turkiga ayaa shaacisay in martisharaf ka socotay illaa 18 dal ay ka soo qeybgaleen furista wajiga hore ee mashruucan loogu magac daray Garoonka diyaaradaha Istanbul.

Madaxdii ka qeybgashay munaasabadan ayaa waxaa kamid ah Amiirka Qatar Emir Sheikh Tamim bin Hamad Al Thani, Madaxweynaha Sudan Omar al-Bashir iyo hogaamiyaasha dalalka Pakistan, Kyrgyzstan, Kosovo, Macedonia, Moldova, Albania iyo Serbia.

“Istanbul waa dheeman qurux badan oo u dhexeysa labo bad taasina waa sababta aan ugu magac darnay garoonkan Istanbul.”ayuu yiri Erdogan oo munaasabadan ka sheegay in ay ku soo beegantay sanadguuradii 95aad ee aasaaska Jamhuuriyada Turkiga.

Erdogan ayaa waxa kale oo uu ku tilmaamay mashruucan inuu yahay mid ay ka faa’ideysanayaan dalalka gobolka iyo guud ahaan caalamka.

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

_____________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment