![](https://www.qaranimo.com/wp-content/uploads/2014/10/anz-ad-for-qol-anim.gif)
Muqdisho | QOL | Oktoobar 28 2018 —Taliska Booliska Maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya ayaa waxa ay faah faahin ka bixiyeen xaalada Amni ee deegaanada Maamulkaas gaar ahaan Magalada Baydhabo oo dhawaan ay ka dhici doonto doorashada Madaxweynaha Koonfur Galbeed.
Taliyaha Ciidanka Booliska Koonfur Galbeed Korneel Mahad Cabdiraxmaan Aadan ayaa sheegay in xaalada amni ee Magalada Baydhabo ay tahay xilligaan mid wanagsan.
Waxa u sheegay in Magalada Baydhabo ay soo martay xilli ay ka dhicii jireen falal lidi ku ah amniga balse taasi laga gudbay loona gudbay waqti amaanka Magalada uu yahay mid leysku haleen karo.
Guud ahaan Koonfur Galbeed deegaanadeeda ayuu shegay in silamid ah ay yihiin kwuo amnigooda uu hagaagsan yahay,isla markaana Ciidamada amaanka Dowladda iyo kuwa Koonfur Galbeed ay dagaal kula jiraan Al-Shabaab.
Hadalka Taliyaha Ciidanka Booliska Koonfur Galbeed ayaa ku soo aadaya xilli dhawaan la filayo in Magalada Baydhabo lagu qabto doorashada Madaxweynaha Koonfur Galbeed,isla markana ay ku sugan yihiin musharixin dhowr ah.
Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho
_____________________________________________________
_____________________________________________________________________________________Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia
_____________________________________________________________________________________Advertisement
_____________________________________________________________________________________![](https://www.qaranimo.com/wp-content/uploads/2014/10/anz-ad-for-qol-anim.gif)
![](https://www.qaranimo.com/wp-content/uploads/2019/06/horseedsc.jpg)