Muqdisho, Oktoobar 17 2018–Xildhibaanada Baarlamaanka Soomaaliya ayaa walaac ka muujiyay handadaad iyo rasaas ay kala kulmeen Ciidamada dowladda Soomaaliya ee maanta xiray inta badan wadooyinka Magaalada Muqdisho.
Xildhibaanada kala ah C/ Fitaax Ismaaciil Daahir, C/Qaadir Maxamuud Cismaan, Mahad Maxamad Salaad iyo Axmed Macalin Fiqi ayaa Gudoomiyaha Baarlamaanka u gudbiyay dacwad ka dhan ah Ciidamada Ammaanka.
Waxa ay sheegeen in loo geystay Handadaad loona diiday in ay maraan Wadooyinka Magaalada Muqdisho.
Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan Gudoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya ayaa sheegay Ciidanka amaanka ee maanta hakiyeen inta badan Xildhibaannada,isaga oo ciidanka ugu baaqay in ay ilaaliyaan xasaanadda Xildhibaannada.
Guddiga amniga iyo difaaca ee Golaha shacabka amray in ay baaritaan ku sameeyaan Xildhibaannada maanta la kulmay handadaadda iyo Rasaasta ee dacwadda u gudbiyay Golaha shacabka.
Kulanka waxaa maanta xaadiray 145 ka mid ah 276da Xildhibaan ee Golaha Shacabka Soomaaliya.
Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho
______________________________________________________
_____________________________________________________________________________________
Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia
_____________________________________________________________________________________