2247 Views

Gudoomiyaha Rugta ganacsiga Jubbaland oo lagu xanibay Garoonka Aadan Cadde

Gudoomiyaha Rugta ganacsiga Jubbaland oo lagu xanibay Garoonka Aadan Cadde
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | October 16, 2018 —Shaafi Raabi Kaahin Xoghayaha Rugta ganacsiga Soomaaliya ahna Guddoomiyaha Rugta ganacsiga wershedaha Jubbaland , ayaa mar kale lagu xayiray garoonka diyaaradaha ee magaalada Muqdisho.

Shaafi Raabi Kaahin ayaa ka yimid dalka Turkiga oo uu uga qayb galay shir looga hadlaayey ganacsiga Africa iyo Turkiga.
“Meel ayaa la i fariisiyey, waxaana la iga qaaday sharcigii, ma ogi sababta waxaas loo sameeyey iyo danta la iga leeyahay”, ayuu yiri Guddoomiye Shaafi oo la hadlay Warbaahinta Jubbaland.

Masuuliyiinta Garoonka Aadan Cadde ee Magaalada Muqdisho, wali kama aysan hadlin xanibaadaan la saaray masuulkaan iyo sababta ka dambeysa.

Waa markii labaad oo sidaan oo kale lagu xayiro garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho.

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

________________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment