Muqdisho | QOL | October 07, 2018 Warar ay heshay Idaacadda Risaala ee Magaalada Muqdisho ayaa waxa ay sheegayaan in Magaalada Garowe ay shir ku yeelan doonaan Madaxda maamul goboleedyadda 10-ka bishaan, Kaasoo looga hadlaayo Xaaladda Soomaaliya.
Kulanka ayaa ah mid ka duwan kulamadii hore, waxaana diiradda lagu saari doonaa sidii loo sameyn lahaa Iskaashiga maamul oo dhaxeeya Maamul goboleedyadda, Wasiiro isku dhaf ah,Qodobaddii ugu dambeeyay ee kasoo baxay Shirkii Golaha Iskaashiga maamul goboleedyadda ee Kismaayo lagu qabtay.
Shirkaan ayaa lagu waddaa in ay ka qeyb galaan xubno ka socda Beesha Caalamka ,Waxgaradka Soomaaliyeed iyo dalalka Daneeya Arrimaha Soomaaliya.
Xubin ka mid ah Guddiga Fulinta Golaha Iskaashiga ayaa Risaala u sheegay in kulanka uu ka duwan yahay kulamadii hore.
Dowladda Soomaaliya iyo maamul goboleedyadda Khilaafka u dhaxeeya ayaa gaaray heerkii ugu sareeyay tan iyo markii maamulada ay shaaciyeen in ay hakiyeen xiriirkii kala dhaxeeyay dowladda Soomaaliya
Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho
______________________________________________________
_____________________________________________________________________________________
Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia
_____________________________________________________________________________________