2079 Views

War Ka Soo Baxay Wasaaradda Amniga Soomaaliya

War Ka Soo Baxay Wasaaradda Amniga Soomaaliya
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | September 15, 2018 – Wasaaradda Amniga Xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya ayaa soo qaban qaabisaya Shir Wadatashiga oo ah mid xoogga lagu saarayey ka wada qeyb-qaadashada sugidda Amniga Gobalka Benaadir iyo xoojinta Wada Shaqeynta ka dhaxeysa Hay’adaha Amiga iyo Bulshada Soomaaliyed iyo hirgalinta nidaam lagu sugi karo Amniga guud ahaan dalka, kaasi oo lagu qabtay magaalada Muqdisho.

Waxaa si guud looga wadda dooday sida la isaga kaashan karo wadda shaqeynta ka dhaxeysa maamulada degmooyinka iyo hay’adaha Amniga.

Zaynab Maxamuud Warsame guddoomiyaha deggmada Warta-nabadda ayaa Sheegtay in loo baahanyahay ciidamo gaar ah oo hoos-taga degmooyinka, kuwaas oo qeyb ka qaata Sugidda Amniga Gobolka.

Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Amiga Xukumadda Soomaaliya Xildhibaan C/naasir Siciid Muuse ayaa sheegay in wasaaradda ay mar waliba u taagan tahay in amniga dalka la gaarsiiyo meel wanaaagsan.

Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Amniga Xukumadda Soomaaliya Xildhibaan Maxamuud Maxamed Buunow oo daahfuray shirka Wadatashiga ah ayaa sheegay in loo baahanyahay wadatashi iyo wadda shaqeyn dhab ah oo dhaxmara hay’adaha Amniga iyo Bulshada, si loogu guuleysato Amniga Dalka.

 

 

..

.

W/Q:-Bashiir Barre ALI

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

______________________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment