Muqdisho | QOL | September 07, 2018 – Musharaxa ugu cadcad doorashada madaxwaynanimada dalka Barazil, Jair Bolsonaro, ayaa mindi lala dhacay xilli uu ku jiray ololo doorasho.
Dhacdadan ayaa ka dhacday isu soo bax lagu qabtay Juiz de Fora, oo ka tirsan gobolka Minas Gerais.
Wiilka Mr Jair Bolsonaro ayaa sheegay in aabihii uu dhaawac ka soo gaaray qaybta hoose ee caloosha, balse uu wanaagsaan oo uu ka soo kabnayo.
Booliiska dalka Barazil ayaa waxay sheegeen in qof looga shakisan yahay weerarkaasi ay xireen
Sida ku cad ra’yi uruurin dhawaan la soo saaray hogaamiyahan midig fog Mr Bolsonaro ayaa helaya codadka ugu badan bisha October, waa haddii madaxwaynihii hore Lula da Silva uu ku guuldareysto laalida amarka ah in uusan doorashada u tartami Karin.
Lula da Silva ayaa imika ku jira xabsi ka dib markii lagu eedeeyay falal musuqmaasuq.
Maxkamada arrimaha doorashooyiinka ayaa maalmo ka hor soo saartay guddoon mr Lula looga horistaagayo in uu doorashada u tartamo
.
W/Q:-Bashiir Barre ALI
Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho
_________________________________________________
_____________________________________________________________________________________
Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia
_____________________________________________________________________________________