Muqdisho | QOL | August 26, 2018 – Wasiirka Wasaarada Qorsheynta Xukuumada Federaalka Soomaaliya ayaa waxa uu hal mar Maanta magacaabay Xoghayaha Joogtada Wasaaradda iyo Agaasimaha guud ee Wasaaradda Qorsheynta.
Xoghayaha Joogtada Wasaaradda ayuu u magacaabay C/qaadir Axmed Warsame in uu noqdo kaasi oo horey u ahaa Agaasimaha Wasaaradda halka Agaasimaha guud ee Wasaaradda uu u magacaabay Asad Yuusuf Afrax,oo ahaa la taliyihiisa.
Wasiirka Wasaarada Qorsheynta Xukuumada Federaalka Soomaaliya Maxamed Jamaal ayaa sameeyay Magacaabistii ugu horreysay tan iyo Markii uu xilka qabtay.
.
W/Q:-Bashiir Barre ALI
Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho
____________________________________________________
_____________________________________________________________________________________Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia
_____________________________________________________________________________________