3144 Views

Maxaad ka taqaari nololeedka S/GAAS DAAHIR AADAN CILMI?

Maxaad ka taqaari nololeedka S/GAAS DAAHIR AADAN CILMI?
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | August 16, 2018 –  S/Gaas Daahir Aadan Cilmi oo loogu yeero “Indhoqarsho” Waxa uu ku Dhashay, magaalada Gaalkacyo ee gobolka Mudug sanadkii 1948 waxbarashadiisi Dugsiga Hoose waxuu ku soo qaatay (Sudan Interior Mission School) ee magaalada Buuloburde, Dugsiga Dhexe waxuu ku soo qaatay ( American Minnenite Mission) oo la oran jiray”Shabeelle Intermediate School” ee magaaladda Jowhar, Dugsiga Sare wuxuu ku soo qaatay Banaadir Sare ee magaalada Muqdisho, waxuu aqoonta Jamacadeed ku soo qaatay Maraykanka “University of Massachusetts Boston”.

Wuxuu ku soo biiray Ciidanka Xogga Dalka Soomaaliyeed 1968, wuxune tababar ku soo qatay Kuliyadda Tababarka Ciidanka ee magaalada Odessa ee dalkii Midowga Sofiyet hadana ah Yukrayn, Sidoo kale wuxuu tababarro guud iyo kuwo khaas ku qaatay dalka gudihiisa (Tababar Abbanduul) iyo dibeddiisa (Command General Staff College, Kansas, USA).

Indhaqarshe1General Daahir Aadan Cilmi Wuxuu ka soo shaqeeyay qeybo badan ee Ciidanka Xogga Soomaliyeed (Qeybta 60-aad, Qeybta 21-aad, Qeybta 26-aad), isagoo ka qabtay xilal howlgal iyo mid hogaamiyeed.

Sidoo kale wuxuu jagooyin kala duwan ka qabtay Taliska Guud ee Wasaaradda Gaashaandhiga Soomaaliya iyo Abaanduulihii Kuliyadihii waxbarashada ee Xogga Dalka Soomaaliyeed. General Daahir Aadan Cilmi wuxuu mudadii Ciidanka uu ka tirsanaa muujiyay Hawlkarnimo, Hoggaamin, Maamul Hufan iyo Geesinimo.Waxuu sidoo kale qaatay billad dahabka ciidanka xooga dalka soomaaliya oo uu gudoonsiiyey General Maxamed Siyaad Barre waxuuna ku muteeystay wacdarihii u ka dhigay dagaalkii 1977 dii ee Xorayntii Soomaali galbeed ahaana guutadii qabatay qabri daharre waxay ahayd magaaladii labaad ay qabsadaan Ciidanka Soomaaliya.

Sanadkii 2012 ayaa loo magcaabay taliyaha Guud Ee Ciidanka Xooga Dalka Sareeye Gaas Dahir Aadan Cilmi (Indha-Qarshe)

Sareeye Gaas Dahir Aadan Cilmi (Indha-Qarshe) ayaa Mudadii dhowrka iyo labatanka sano ahayd ee uu qaranka soomaaliyeed burburka ku yimid dalkuna uu ka jiray dagaalada sokeeye iyo midka diimeed waxa uu Taliyaha ka mid ahaa muwaadiniintii dibadda ka istaagay dagaladii sokeeye iyo bur-burkii ka dhacay dalka.

Sareeye Gaas Dahir Aadan Cilmi (Indha-Qarshe), waxa uu xilka taliyaha ciidanka xoogga dalka soomaaliyeed uu wareejiyay Bishii September Sanadkii 2015ka waxa uuna muujiyay inta uu hayay Hooggaanka Talada Ciidanka Xoogga Dalka soomaaliyeed wax qabad muuqda waxa uuna ku Guuleeystay inuu furo Warbaahin ku hadasha Codka Ciidamada Qalabka Sida iyo Tayada iyo tababarada ciidanka xoogga dalka soomaaliyeed.

16/08/2018 waxaa dib loogu magcaabay mar labaad Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed.

 

.

W/D:Cumar Maxamed Kulmiye

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

_____________________________________________________

 

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment