3138 Views

Guddoomiye Eng.Yarisow oo Madaxweyne Kuxigeenka Puntland ku soo dhaweeyey Xarunta Dawladda Hoose

Guddoomiye Eng.Yarisow oo Madaxweyne Kuxigeenka Puntland ku soo dhaweeyey Xarunta Dawladda Hoose
____________________________________________________________________________

Muqdisho, Ogoosto 16, 2018; Duqa Muqdisho ahna Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Mudane Cabdirixmaan Cumar Cusmaan (Eng.Yarisow) ayaa Xarunta Dawladda Hoose ee Xamar kula kulmay Madaxweyne Kuxigeenka Dawlad Goboleedka Puntland Mudane Cabdixakiin Cabdullaahi Xaaji Cumar Camey.

Guddoomiyaha ayaa uga warbixiyey Madaxweyne Kuxigeenka xaaladda guud ee Gobolka Banaadir, guulaha lagu tallaabsaday muddadii la soo dhaafay iyo qorsheyaasha horumarineed ee Caasimadda.

Eng.Yarisow ayaa ku bogaadiyey bulshada iyo maamulka Puntland dadaalka ay ku bixiyeen midnimada iyo wadajirka, isagoona tilmaamay muhiimadda ay leedahay in loo wada istaago sidii loo rumeyn lahaa himilooyinka shacabka Soomaaliyeed.

Madaxweyne Kuxigeenka Dawlad Goboleedka Puntland Mudane Cabdixakiin Cabdullaahi Xaaji Cumar Camey ayaa uga mahadceliyey Maamulka Gobolka Banaadir soo dhaweynta sare ee ay u sameeyeen, muddada uu ku sugnaa Caasimadda.

Sidoo kale, Mudane Camey waxa uu dhiirrigeliyey horumarka muuqda ee laga gaaray amniga Muqdisho, daadajinta adeegyada asaasiga ah iyo qorsheyaasha ku saabsan hirgelinta hannaanka dimuqraadiyeynta.

Kulankan waxaa ka qeyb galay Guddoomiye Kuxigeenka Arrimaha Siyaasadda iyo Amniga Mudane Maxamed Cabdullahi Maxamed Tuulax, Xoghayaha Gobolka Mudane Cumar Cabdirisaaq Xuseen Iyo qaar ka mid ah Agaasimeyaasha Xafiisyada Maamulka Gobolka Banaadir.

camay-muqdisho-1 camay-muqdisho-2 camay-muqdisho-3

.

.

.

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

__________________________________________________

 

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment