Muqdisho | QOL | August 16, 2018 – Guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna Duqa magaalada Muqdisho C/raxmaan Cumar Cusmaan (Eng. Yariisow) ayaa xilka qaaday C/qaadir C/raxmaan Ibraahim oo ahaa Agaaisimihii Waaxda Dalxiiska iyo Maalgashiga gobolka Banaadir, wuxuuna xilkaasi u magacaabay C/fataax Maxamuud Siyaad.
Duqa Muqdisho ayaa warqadan oo isugu jirta magacabis iyo xilka qaadis ee ka soo baxday xafiiskiisa wuxuu ogeysiiyay Guddoomiye ku-xigeenada iyo Xoghayaha guud ee gobolka Banaadir.
Dhameystirka wixii ka dhiman xeerkan fulintiisa ayaa waxaa loo xil saaray Waaxda shaqada iyo shaqaalaha gobolka Banaadir, si shaqada loo dardar geliyo.
.
W/Q:-Bashiir Barre ALI
Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho
___________________________________________________
_____________________________________________________________________________________
Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia
_____________________________________________________________________________________