Muqdisho | QOL | August 9, 2018 – Ra’iisul wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya oo shaqo ka joojin ku sameeyay wasiir ku xigeenka Arrimaha dibadda XFS.
War qoraal ah oo uu Bartiisa twitter-ka soo dhigay Wasiirka Warafafinta xukuumadda Soomaaliya Dahir Maxamuud Geelle ayaa waxaa Shaqadii looga jiijiyey Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Arrimaha Dibada Muqtaar Mahad Daa’uud.
Sababaha ugu weyn ee Shaqa joojinta ayaa waxaa lagu sheegay in khilaafkii waayadaan jiray,iyada oo dhawaan Xarunta Wasaaradda ay tageen Ciidamo boolis ah si ay u soo xiraan Wasiir ku xigeenka balse arrintaasi la xaliyey,iyada oo lagu eedeynayey arrimo musuq maasuq.
.
W/Q:-Bashiir Barre ALI
Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho
__________________________________________________________
_____________________________________________________________________________________
Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia
_____________________________________________________________________________________