Muqdisho | QOL | August 5, 2018 Ra’iisul wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya Mudane; Xasan Cali Kheyre, ayaa Magacaabay xubno wasiirro ah oo ka mid noqon doona Golaha wasiirrada ee xukuumadda Soomaaliya.
Wasiirka Warfaafinta Soomaaliya mudane; Daahir Maxamuud Geelle oo warbaahinta u akhriyay wasiirrada cusub ee uu Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya Magacaabay ayaa kala ah sidan:-
Mudane; C/llaahi Goodax Barre, Wasiirka Wasaaradda waxbarashada iyo Tacliinta sare.
Mudane; Sheekh Nuur Maxamed Xasan , Wasiirka Awqaafta iyo arrimaha Diinta.
Mudane; Xuseen Sheekh Maxamuud Xuseen, Wasiirka xannaanada Xoolaha.
Mudane; C/llaahi Bidhaan Warsame, wasiirka Kalluumeysiga iyo Kheyraadka Badda.
Mudane; C/qaadir Sheekh Cali Baqdaaddi, Wasiiru Dowlaha Madaxtooyada.
Mudane; Shawaqar Ibraahim Cabdalla; wasiir ku xigeenka Wasaaradda shaqada iyo shaqaalaha.
Wasiirrada cusub ee la Magacaabay ayaa la faray in ay si deg-deg ah ula wareegaan xilkooda, waxana wareegtadani lagu Magacaabay wasiirrada ay kusoo bixi doontaa faafinta rasmiga ah ee Dowladda federaalka Soomaaliya.
_____________________________________________________________________________________Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia
_____________________________________________________________________________________