2070 Views

Dowladda Jabuuti ayaa beenisay in Madaxweynaha Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle uu booqan doono Magaalada Asmara

Dowladda Jabuuti ayaa beenisay in Madaxweynaha Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle uu booqan doono Magaalada Asmara
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | August 1, 2018 –  Dowladda Jabuuti ayaa beenisay in Madaxweynaha Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle uu booqan doono Magaalada Asmara ee Caasimadda dalka Erateriya.

Wasiirka Arrimaha dibadda dowladda Jabuuti Maxamuud Cali Yuusuf ayaa sheegay in aysan dhici doonin in Madaxweyne Geelle uu taggo Erateriya inta laga xalinaayo dhibka jira.

Waxaa uu sheegay in xiisada ka dhaxeysa dowladdaha Jabuuti iyo Eratariya ay wali taagan tahay, islamarkaana aysan dhicin doonin Madaxweynaha uu taggo dal Cadow ku ah.

Maalmihii lasoo dhaafay ayaa waxaa soo baxayay warar sheegaya in Madaxweynaha Jabuuti iyo Madaxweynaha Kenya ay booqan doonaan Asmara.

.

W/Q:-Bashiir Barre Ali 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

________________________________________________

 

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment