1980 Views

Wasiirka Arrimaha Dibadda oo xafiiskiisa ku qaabilay safiirka Qatar ee Soomaaliya

Wasiirka Arrimaha Dibadda oo xafiiskiisa ku qaabilay safiirka Qatar ee Soomaaliya
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | July 27, 2018 –  Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga Mudane Axmed Ciise Cawad ayaa Xafiiskiisa ku qaabilay Mudane Xasan bin Xamsa Asad Haashim, Safiirka Dowladda Qatar u qaabilsan Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.

Safiirka Qatar ayaa gudbiyay salaan uu ka siday wasiirkiisa uu ku socotay Wasiir Axmed Cawad, halka Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya uu salaan u diray walaalkiisa Sheekh Maxamed bin Cabdiraxmaan bin Jaasim Aala taani, Ra’iisul wasaare kuxigeenka ahna Wasiirka Arrimaha Dibadda Qatar.

Kulanka ayaa la iskula eegay xiriirka laba geesoodka ee labada dal ee walaalaha ah u dhexeeya iyo qaabkii lagu xoojin lahaa, laguna horumarin lahaa, waxaa kale oo la is dhaafsaday aragtiyo ku salaysan arrimaha gobolka iyo dunida.

Danjire Xasan Xamsa ayaa gaari qafilan oo aanu xabadda karin ku wareejiyay Wasaaradda Arrimaha Dibadda Soomaaliya si ay ugu adeegsato arrimaha muhiimka ah, iyadoo ah hadiyad ka timid Xukuumadda iyo Shacabka Qatar.

Kulanka ayaa waxaa goobjoog ka ahaa Mudane Cabdulqaadir Axmed-kheyr Cabdi, Wasiiru dowlaha Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga iyo Mudane Mustafa Aadam Dagaal, Agaasimaha Waaxda Carabta ee Wasaaradda.

safiirka-qadar-1 safiirka-qadar-2 safiirka-qadar-3 safiirka-qadar-4

.

W/Q:-Bashiir Barre ALI

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

___________________________________________________

 

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment