Muqdisho | QOL | july 19, 2018 – Danjiraha Imaaraadka Carabta ee Midowga Europe Luxembourg iyo Belgium-ka Mahamed Issa Alsuweydi ayaa wuxuu sheegay in wadankiisa uu adkeynayo ilaalinta amniga, midnimada iyo nabadda Soomaaliya.
Danjiraha oo hadalkan ka sheegay shirkii magaalada Brussels ka dhacay 16-kii ilaa 17-kii bishan July ayaa wuxuu tilmaamay inay soo dhaweynayaan shirkii Golaha amniga Qaranka ay ku yeesheen magaalada Baydhabo.
Wuxuu sheegay in dowladda Imaaraadka ay wadamada gobolka iyo Hay’adaha daneeya arrimaha Soomaaliya kala hadli doonto sidii ay u kordhin lahaayeen taageerada Soomaaliya ee dhan walba.
“Waxaan adkeyneynaa ilaalinta amniga, midnimada iyo nabadda Soomaaliya, waxaanu nahay laba wadan oo walaalo ah, sina uma kala maarano, shirkii Baydhabo ee Golaha amniga Qaranka wuxuu ahaa mid horey u socosho leh, Imaaraadka wuxuu si dhaw ula shaqeynayaa wadamada gobolka iyo guud ahaan beesha caalamka, si Soomaaliya ay horey ugu sii socoto.” Ayuu yiri Amb. Mahamed Issa.
Magaalada Brussels ee xarunta dalka Belgium-ka oo maalin kahor lagu soo gaba gabeeyay shirkii arrimaha Soomaaliya ayaa waxaa la aaminsan yahay in dowladda federaalka ay shirkan kadib heli doonto taageero dhinacyo badan ah oo wax ka qaban kara baahiyaha dalka ka jira.
Dowladda Imaaraadka Carabta ayaa ka mid ah dowladaha ugu horeeya ee Soomaaliya ka taageera dhanka dib u dhiska ciidamada iyo hawlaha gargaarka arrimaha bani’aadannimada, inkastoo bilihii la soo dhaafay uu jiray mad madow yar oo labada dowladood soo kala dhexgalay..
.
W/Q:-Bashiir Barre ALI
Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho
____________________________________________________________
_____________________________________________________________________________________Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia
_____________________________________________________________________________________