Muqdisho | QOL | july 14, 2018 – Gaari laga buuxiyay waxyaabaha Qarxa ayaa goor dhow ku qarxay Kontoroolka laga galo Madaxtooyadda Soomaaliya ee ku yaalla Isgoyska Ceelgaabta meel u dhow Beerta Nabadda.
Qaraxa ayaa dhacay ka dib dagaal toos oo dhexmaray Ciidamadii halkaasi ku sugnaa iyo dabley hubeysan.
Dagaalka ayaa waxaa la isku adeegsaday hub culus, waxaana daqiiqo ka dib qarxay gaari halkaasi yaallay.
Waxaa sidoo kale jira Qarax kale oo ka dhacay Muqdisho.
Waxaa jira Dhimasho iyo Dhaawac.
Wixii kusoo kordha kala soco Qaranimo Online
.
W/Q:-Bashiir Barre ALI
Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho
_________________________________________________________
_____________________________________________________________________________________Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia
_____________________________________________________________________________________