Muqdsiho | QOL | July 10, 2018 –Xoghayaha Guud ee QM, Antonio Guterres oo shalay booqasho ku tegay dalka Ethiopia, waxa u uxalay Kulan la qaatay Ra’isul-wasaare Abiy Ahmed Ali oo ay ka wada hadleen Xaalladaha dalalka Somalia, South Sudan iyo Horumaradii ugu dambeeyey ee Heshiiskii ay Ethiopia iyo Eritrea ka gaareen colaadihii u dhexeeyey.
Antonio Guterres waxa uu soo dhaweeyey Heshiiskii Taariikhiga ee ay Ra’isul-wasaare Abiy Ahmed iyo Madaxweynaha Eritrea, Issias Efewerki dhawaan ku kala saxiixdeen magaalladda Asmara, oo dib loogu soo celiyey Xiriirka Diplomaasiyadeed ee labada waddan oo go’naa 20-kii sanno ee la soo dhaafay.
Ra’isul-wasaraaha Isbedel-doonka Ethiopia waxa uu Xoghayaha Guud ee QM ka codsaday inay QM ka qaadaan Dowladda Eritrea cunaqabatayntii lagu soo rogay sannadkii 2009-kii.
Golaha Ammaanka ee QM waxay bishii December 23-dii ee sannadkii 2009-kii soo saareen Qaraar ku baaqay in Eritrea lagu soo rogo Cunaqabatayn dhanka Hubka ah in Madaxda dalkaasi laga xayiro Socdaalka iyo in Siyaasiyiin iyo Saraakiil Milliteri oo Eritrean ah laga xayiro inay la baxaan Hantida u taalla Bangiyadda Caalamka.
QM waxay ku eedeysaa Dowladda Eritrea inay taageero siiyaan Dagaalamayaasha Alshabaab ee dagaalka kula jira Ciiddamadda DFS iyo kuwa Hawlgalka AMISOM, iyado ay Golaha Ammaanka ee QM dib u cusbooneysiiyeen Cunaqabataynta saaran Eritrea bishii November e sannadkii hore.
Dowladda Eritrea waxay beenisay Eedeymahaasi, iyadoo Kooxda Baarayaasha QM ee cunaqabataynta hubka ee Somalia iyo Eritrea sheegeen inaysan helin caddaymo muujinaya inay Eritrea taageero siiyaan Alshabaab.
Dhinaca kale, Xoghayaha Guud ee QM, Antonio Guterres inta uu joogo Ethiopia waxa uu ka qeyb geli doonaa Shir-sannadeedka QM iyo Ururka Midowga Afrika oo dhawaan ka furmi doona magaalladda Addis Abeba.
W/Q:-Bashiir Barre ALI
Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho
———————————————————————-
_____________________________________________________________________________________
Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia
_____________________________________________________________________________________