2280 Views

Madaxweyne Farmaajo ka qeyb Galaya caleemo-saarka madaxweyne Erdogan

Madaxweyne Farmaajo ka qeyb Galaya caleemo-saarka madaxweyne Erdogan
____________________________________________________________________________

Muqdsiho | QOL | July 9, 2018 – Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa soo gaaray magaalada Ankara halkaas oo berri lagu qabanayo munaasabadda caleema saarka Madaxweynaha Turkiga Mudane Rajab Dayib Erdogan.

Agaasimaha Warfaafinta Madaxtooyada Mudane Cabdinuur Maxamed oo ka warbixiyay safarka Madaxweynaha ayaa yiri; “Madaxweynaha waxa uu halkan u yimid inuu ka qeyb qaato waaga cusub ee u baryaya walaalaheenna reer Turkiya keddib natiijadii doorashadii madaxtinnimo, waxaana rajeynaynaa in xiriirka soojireenka ah ee ka dhaxeeya Soomaaliya iyo Turkiya heerka uu haatan taaganyahay inuu kasii xoogeeysto.”

Madaxweynaha iyo wafdigiisa ayaa ka soo kicitimay magaaladda Jabuuti halkaas oo ay uga soo qeyb galeen Shirka Iskaashiga Afrika iyo Shiinaha iyo munaasabad lagu daah furayay Suuqa Xorta ah ee Jabuuti.

Madaxweynaha waxaa safarkan ku wehliya Wasiirka Ganacsiga iyo Warshadaha Mudane Maxamed Cabdi Xayir Maareeye, Wasiiru Dowlaha Arrimaha Dibadda Mudane Cabdulqaadir Sheekh Axmed Khayr, Wasiiru Dowlaha Gaashaandhigga Mudane Maxamed Cali Xagaa iyo La-taliyaha Arrimaha Dibadda ee Madaxweynaha Mudane Balal Cusmaan.

.

W/Q:-Bashiir Barre ALI

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

________________________________________________________

 

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment