Muqdisho | QOL | July 8, 2018 – Ku Simaha Madaxweynaha Dalka ahna Guddoomiyaha Golaha Shacabka Soomaliyeed Mudane Amb Maxamed Mursal SHeekh C/raxmaan Ayaa xalay Isbitaalada Ku Booqday Dadkii Ku Dhaawacymay weerarkii argagixisanimo ee shalay ka dhacay xarunta wasaaradd arrimaha gudaha
Guddomiyaha Ayaa Booqday Isbitaalka Digfer iyo Isbitaalka Madiina,Isagoona warbixin ku aadan xaaladda bukaanada isbitaalada la dhigay uu ka dhageystay maamulada iyo dhaqaatiirka isbitaalada lagu dabiibayo dhaawacyadaasi.
Mudane Maxmed Mursal Sheekh C/raxmaan ayaa alle uga baryay dadka bukaanada ah in uu bogsiiyo,isagoona dhanka kale eleda iyo dhacabka Soomaaliyeed uga tacsiyadeeyey dadkii ku nafwaayay weerarkaasi bahalnimada ahaa.
Mas’uuliyiinta dowladda ayaa ugu baaqay shacabka in hay’adaha amnigu ay gacan ka siiyaan sidii looga hortagi lahaa falalka argagixisanimo.
.
W/Q:-Bashiir Barre ALI
Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho
_________________________________________________________
_____________________________________________________________________________________Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia
_____________________________________________________________________________________