2040 Views

Ra’iisul Wasaare Khayre oo Kigali Kula Kulmay Dhiggiisa Rwanda, Edouard Ngirente

Ra’iisul Wasaare Khayre oo Kigali Kula Kulmay Dhiggiisa Rwanda, Edouard Ngirente
____________________________________________________________________________

Kigali, June 24, 2018 –Ra’iisul Wasaaraha xukuummadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Cali Khayre iyo wafdi uu hogaaminayo ayaa magaalada Kigali ee caasimadda Rwanda kulan casho ah kula yeeshay Ra’iisul Wasaaraha dalkaas Edouard Ngirente iyo qaar kamid ah golihiisa wasiirada.

Kulanka labada Ra’iisul Wasaare waxaa goob joog ka ahaa Wasiiru dawlaha arrimaha dibadda Soomaaliya, Masuuliyiin ka tirsan xafiiska Ra’iisul Wasaare Khayre iyo wasiiru dawlaha arrimmaha dibadda, wasiirka caddaaladda ee Rwanda, Lt. Gen Jacques Musemakweli iyo masuulyiin kale oo reer Rwanda ah.

Labada Ra’iisul Wasaare iyo masuuliyiinta kale ee kulanka ku wehliyay ayaa ka wada hadlay arrimaha garsoorka iyo Cadaaladda, dhaqaalaha, adkeynta xariirka labada dawladood iyo ammaanka qaaradda Afrika.

Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Khayre ayaa uga mahad celiyay dhiggiisa Rwanda casuummaadda ay u fidiyeen iyo soo dhaweynta Ballaaran, waxa uuna sidoo kale sheegay in uu rajeynayo in Soomaaliya ay Rwanda uga dayato horumaka ay sameysay iyo sida ay uga gudubtay burburkii iyo colaadihii sokeeye ee dhibaatada badan gaarsiiyay dalkaas.

Ra’iisul Wasaare Edouard Ngirente ayaa dhankiisa bogaadiyay horumarka muuqda ee Soomaaliya ay ku tillaabsatay wixii ka dambeeyay doorashadii Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Maxamed (Farmaajo)

Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Khayre ayaa sidoo kale maalinta berri ah la kulmaya madaxweynaha Rwanda ahna Gudoomiyaha Midawga Afrika,, Paul Kagame.

rw-khayre-kigali-5

rw-khayre-kigali-1 rw-khayre-kigali-2 rw-khayre-kigali-13 rw-khayre-kigali-4

.

.

.

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

________________________________________________

 

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment