2355 Views

Ra’iisul Wasaare Khayre oo Booqasho Hal Maalin Ah Ay Uga Bilaabatay Magaalada Kigali ee Caasimadda Dalka Rwanda

Ra’iisul Wasaare Khayre oo Booqasho Hal Maalin Ah Ay Uga Bilaabatay Magaalada Kigali ee Caasimadda Dalka Rwanda
____________________________________________________________________________

Kigali, June 24, 2018 –Ra’iisul Wasaaraha xukuummadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Cali Khayre iyo wafdi uu hogaaminayo oo Muqdisho ka duulay ayaa galabta gaaray magaalada Kigali ee caasimadda dalka Rwanda, kadib casuumaad uu ka helay madaxweynaha dalkaas, Paul Kagame.

Wafdiga uu Ra’iisul Wasaaruhu hogaaminayo oo qeyb uu ka yahay Wasiiru dawlaha arrimaha dibadda Xukuummadda Federaalka Soomaaliya Cabduqaadir Axmed Khayr, ayaa loogu soo dhaweeyay garoonka Diyaaradaha Caalamiga ah ee Kigali.

Ra’iisul wasaaraha oo booqasho hal maalin ah ay uga bilaabatay Kigali ayaa caawa kulan casho ah la qaadanaya dhigiisa Rwanda, Edouard Ngirente iyo qaar kamid ah golaha wasiirada dalkaas.

Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Khayre ayaa sidoo kale maalinta berri ah la kulmaya madaxweynaha Rwanda, Paul Kagame ahna Gudoomiyaha Midawga Afrika, waxa ayna ka wada hadli doonaan adkeynta xariirka labada dal iyo sidii loo joogtayn lahaa taageerada baaxadda leh ee Midawga Afrika uu siiyo Soomaaliya.

Ra’iisul Wasaare Xassan Cali Khayre iyo madaxweyne Paul Kagame ayaa sidoo kale ka wada hadli doona arrimaha amniga gaar ahaan xilliga kala guurka oo ay Soomaaliya isku diyaarineyso in amniga dalka ay kala wareegto Ciidamada nabad ilaalinta ee Midawga Afrika (AMISOM).

rw-khayre-kigali-1 rw-khayre-kigali-2 rw-khayre-kigali-3 rw-khayre-kigali-4 rw-khayre-kigali-5

.

.

.

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho 

___________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment