Muqdisho | QOL | June 17, 2018 –Laacibka Mxaamed Salaax oo malaha Munaasabadda 26-guuradiisa ku illaabay guuldarrdda Xulka Masar jimcihii kala kulmeen Xulka dalka Uruguay ayaa waxa uu farxad ka qaaday markii ay Taageerayaasha Jejniya ee qeybta ka ah Federalka Raashiya u keeneen Daolsho ama Toorto Weyn oo uu culayskeedu dhamaa 100 Kiilogaram ah, laguna soo dul xardhay Kabo Dahabi ah.
Maxamed Salaax waa uu dhoola-caddeeyey, waxayna Kooxdiisa oo ku ku luqeeyey Dhalasho Farxad leh soo abaareen qolkiisa, ka hor intaysan shunmac shidin.
Xulka K/cagta Masar waxay maalinta Talaadada la Xulka Raashiya kula ciyaari doonaan Garoonka St Petersburg, iyadoo ciyaarta ku xigtana is-arki doonaan Xulka Sacuudiga.
Maxamed Salaax oo Xilli-ciyaareedkii hore Kooxda Liverpool FC u dhaliyey 44 gool waxa uu ka soo kabanayaa dhaawac dhinaca Garabka oo ka soo gaaray Ciyaartii Finaalka ee Horyaalka Europe oo ay Kooxdiisa bishii May 26-dii la yeesheen Kooxda Real Madrid.
W/Q:-Bashiir Barre ALI
Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho
________________________________________________________
_____________________________________________________________________________________Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia
_____________________________________________________________________________________