Muqdisho | QOL | June 14, 2018 – Guud ahaan Ummadda Islaamka oo ku kala sugan dalalka caalamka iyo Gobolada Dalka ayaa si weyn ugu diyaar garoobaya Dagaaldega iyo farxada maalinta koowaad ee Ciidul Adxaa.
Qaar ka mid ah dalalka Islaamka oo ay ka mid yihiin Sacuudiga, Qadar, Indonesia iyo Pakistan ayaa ku dhawaaqay in maalinta beri ah ay tahay 1-da Bisha Shawaal sidoo kalena loo dabaal degayo Munaasabadda Ciidul Fidriga.
Ummadda Islaamka ayaa soo Soomnaa 29 berri oo bisha Ramadaan ah, waxayna ka faa’ideysteen kherka iyo barakada ku jirta bishan,iyaga oo hadana si aad ah ugu diyaar garoobaya Munaasabadda Ciidul Fidriga.
Subaxda hore ee berri ayaa loo dareerayaa Tukashada Salaadda Ciida, iyadoo Garoomadda waa weyn iyo Barxadaha waa weyn dadka Muslimiinta ah ay isgu soo bixi doonaan si ay u tukadaan Labada Rakacadood ee Salaada.
.
W/Q:-Bashiir Barre ALI
Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho
_______________________________________________________________
_____________________________________________________________________________________Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia
_____________________________________________________________________________________