1839 Views

Xafiiska Warfaafinta Maaxtooyada Soomaaliya oo bilaabay barnaamij lagu ciidsiinayo carruurta ay ka geeriyoodeen wariyeyaashii Soomaaliyed

Xafiiska Warfaafinta Maaxtooyada Soomaaliya oo bilaabay barnaamij lagu ciidsiinayo carruurta ay ka geeriyoodeen wariyeyaashii Soomaaliyed
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | June 10, 2018 –  Xafiiska Warfaafinta Maaxtooyada Soomaaliya ayaa bilaabay barnaamij lagu ciidsiinayo carruurta agoonta ah ee ay ka geeriyoodeen wariyeyaashii Somaaliyeed tan iyo sanadkii 2007dii.

Madaxtooyada Soomaaliyaa ayaa ilaa haatan diiwan gelisay ku dhawaad boqol caruur ah oo la xaqiijiyey in ay ka geeriyoodeen Wariyeyaal Soomaaliyeed, iyadoona wajiga koowaad ee barnaamijkan lagu bartilmaamsanayo agoonta saxafiyiintii ka hawl geli jiray magaalada Muqdisho.

Madaxa Xiriirka Warbaahinta ee Xafiiska Warfaafinta Madaxtooyada Soomaaliya Mudane Cabirisaaq Jaamac Cilmi (Black) oo Wakaaladda Wararka Soomaaliyeed ee SONNA ay ka wareysatay olalahan ayaa xaqiijiyey in ujeedka laga leeyahay arrinkan uu yahay sidii loo maamuusi lahaa wariyeyaashii Soomaaliyeed ee geeriyooday, iyagoona ka soo shaqeeyey dalka marxalad adag ee la soo maray.

“Waxaan rajaynaynaa in intan ay ka mug-weynaadaan qorsheyaasha iyo barnaamijyada ku wajahan qooysaska ay ka tageen wariyeyaashii Soomaaliyeed, gaar ahaan carruurtooda oo runtii xaq badan ku leh dadka Soomaaliyeed, maadama inbadan oo ka mid ah ay naftooda u horeen dalkooda, argagixisada Alshabaabna ay u bar-tilmaamsatay arrinkan.”

Cabdirisaaq Black oo hormuud ka ah olalahan ayaa sheegay in muhiimad gaar ah uu u leeyahay barnaamijkan lagu ciidsiinayo agoomaha saxafiyiinta, maadama isagu uu ka mid ahaa wariyeyaashii ay dhibaateysay Alshabaab, si dhawna uu u dareemi karo culeyska ay la nool yihiin qoysaskaasi.

Xafiiska Warfaafinta iyo Xiriirka Warbaahinta Madaxtooyada Soomaaliya ayaa soo jeediyey in la asteeyo sanduuq dhaqaale oo gaar ah u qooysaska iyo agoomaha ay ka tageen wariyeyaasha Soomaaliyeed, si loogu kabo baahiyahooda nolaleed gaar ahaan caafimadkooda, barbaarinta iyo waxbarashadooda.

.

.

W/Q:-Bashiir Barre ALI

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

__________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment