Muqdisho | QOL | June 10, 2018 – Weerar-yahanka Kooxda Liverpool FC, Maxamed Saalax waxa uu Madaxweyne C/fataax Al-sisi u xaqiijiyey inuu ka soo kabtay dhaawacii Garabka ka soo gaaray Ciyaartii Finalka ee ay Kooxdiisa bishii May 30-dii la yeesheen Kooxda Real Madrid ugu tartamayeen Koobka Horyaalka Europe ee “The Champions League”.
Waxaana uu tilmaamay inuu Ilaah idinkiisa rajeynayo inuu ka qeyb galo Koobka Adduunka, isagoo ka qeyb geli doona Ciyaartiisa ugu horreysay ee ay Xulka Qaranka Masar la ciyaari doonaan Xulka Qaranka Uruguay.
Dhinaca kale, Laacibka Maxamed Saalax waxa uuu ka mid noqday Liiska Xulka Qaranka Masar ee Isniintii hore lagu dhawaaqay, kuwaasi oo la filayo inay saacadaha soo socda u ambabaxaan dalka Raashiya, si ay uga qeyb galaan Koobka Adduunka.
Xulka Masar oo lagu naaneyso Faraaciinta waxay xalay tababarkoodii ugu dambeeyey ku qaateen gudaha Masar, waxaana la filayaa inay maanta u ambabaxaan dalka Raashiya.
Bishan June 19-da waxay Xulka Masar is-arki doonaan Xulka Raashiya, halka ay bishan 25-da isku dhici doonaan Xulka Sacuudiga.
.
W/Q:-Bashiir Barre ALI
Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho
___________________________________________________
_____________________________________________________________________________________Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia
_____________________________________________________________________________________