2427 Views

R.W Itoobiya Oo Xilalka Ka qaaday Taliyeyaasha Milliteriga iyo Sirdoonka

R.W Itoobiya Oo Xilalka Ka qaaday Taliyeyaasha Milliteriga iyo Sirdoonka
____________________________________________________________________________

Muqdisho  June 07, 2018 —Ra’iisal Wasaaraha Itoobiya, Abiy Ahmed ayaa Khamiistii xil ka qaadis ku sameeyay Taliye-yaashii Militariga iyo Sirdoonka dalkaasi, isagoo kuwo cusubna magacaabay.

Ra’iisal Wasaaraha ayaa Taliyaha Ciidanka Militariga u magacaabay Seare Mekonen, ka dib markii uu xil ka qaadis ku sameeyay Taliyihii hore Militariga, Samora Younous.

 

Ra’iisal Wasaaraha ayaa shaqada ka eryay Taliyihii Sirdoonka, Getachew Assefa, isagoona Adem Mohammed u xushay inuu noqdo Taliyaha cusub ee Sirdoonka.

Taliye-yaasha cusub ayaa u shaqayn doono si ka duwan, sidii ay u shaqayn jireen labada nin ee shaqada laga eryay, iyadoo aanay dabagal ku samayn doonin shacabka iyo weliba dadka feker ahaan dhaliilsan siyaasadda dowladda.

Abiy Ahmed, Ra’iisal Wasaaraha Itoobiya ayaa muddooyinkii ugu dambeysay waday is bedelo uu dowladda ku samaynayo, tallaabadii uu Khamiistii qaadayna waxay qayb ka tahay dadaalada uu ku doonayo in is bedelada uu dalkiisa kaga hirgeliyo.

Ra’iisal Wasaare Abiy ayaa bishii April loo caleemo saaray xilka, waxaana uu jegadaasi qabtay, xilli Itoobiya ay qarka u saarneyd burbur.

 

 

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho
__________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment