3561 Views

Arday Soomaali xaafidul-Qur’aan ah oo ku guuleystay Tartanka Caalamiga ee Qur’aan akhriska.

Arday Soomaali xaafidul-Qur’aan ah oo ku guuleystay Tartanka Caalamiga ee Qur’aan akhriska.
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | June 7, 2018 – Tartan Qur’aan Akhris oo ay ka qeyb galeen Tartamayaal ka kala socday dalalka Islaamka ayaa lagu soo gebagebeeyey magaalladda Dubai ee dalka Imaaraadka Carabta.

Axmed Burhaan Maxamed oo 16-jir ah waxa uu ka mid yahay Ardayda dhigata  Dugsiga (The Ubah Medical Academy) oo ku yaalla Hopkins ee Gobalka Minnesota ee dalka Maraykanka ayaana Kaalinta 1-aad Tartanka Qur’aan Akhriska oo ay ka qeyb galeen 104 Tartamayaal ka kala socday Dalalka Caalamka.

Ardayga Somali-Maraykanka ee Axmed Burhaan Maxamed oo deggan New Brighton  ee Gobalka Minnesota waxa uu noqday qofkii ugu horreeyey oo Maraykan ah ee ku guuleysta Tartankaasi oo 22-sanno jirsaday.

Agaasimaha Fulinta ee Dugsiga (The Ubah Medical Academy charter school) ee uu Ardaygaasi  dhigto, C/llaahi Faraax ayaa sheegay inuu Axmed Burhaan Maxamed ku bartay Qur’aanka Kariimka Masjidka Abuubakar Sadiiq oo ku yaalla magaalladda Minneapolis.

“Wa Guul Weyn oo Taariikhi ah oo u so ohoyatay Masjidkeenna, magaallada Minneapolis, iyo guud ahaan Maraykanka” ayuu sii raaciyey Maamulaha oo la hadlay mprnews.org

Axmed Burhaan Maxamed waxa uu barashadda Qur’aanka bilaabay isagoo 7-jir ah, wuxuuna dhameeyey 4-sanno kadib, isagoo noqday Xafaidul-Qur’aan.

Dhinaca kale, Wargeyska Gulf News ee ka soo baxa Imaaraadka Carabta  waxay Ardayga Somali-Maraykanka wax ka weydiiyeen sida uu u arko Guusha uu ka gaaray Tartanka Qur’aan Akhriska, wuxuuna Ardayga ku jawaabay: “Waa dareen weyn iyo Natiijo aan la rumeysan Karin guushayda isbuucan”

Waxa uu sii raaciyey: “Marna kuma fekerin inaan  guuleysan doono, waayo Tartanku waxa uu ahaa mid adag, laakiin, waxaan aad uga mahad celinayaa Ilaahay Kheyrkaasi. Waxaa si gaar ah  u macaan inaad ogaatid inaan Aniga ahayd qofkii ugu horreeyey oo Maraykan ah ee ku guuleysta halkan”.

Ardayda Axmed Burhaan Maxamed waxa uu ku guuleystay Abaalmarin dhan 250,000 Dirhamka Imaaraadka oo u dhiganta ku-dhawaad 68,000 oo Dollarka Maraykanka.

Tartamaha Kaalinta 2-aad galay waxaa la siiyey 150,000 oo Dirham, halka Kalainta 3-aad la siiyey 100,000  oo Dirham.

xafidul-quran-1 xafidul-quran-3 xafidul-quran- xafidul-quran-2

.

W/Q:-Bashiir Barre ALI

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

________________________________________________________

 

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment