Muqdisho | QOL | June 4, 2018 – Madaxweynaha Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa furay Shirka Golaha Amniga Qaranka.
shirka Golaha Amniga Qaranka ayaa waxaa ka qeyb galaya Madaxda ugu sareysa dalka, Maamul goboleedyada, Wasiiro ka tirsan Xukuumadda iyo Gobolka Banaadir.
Ajandayaasha looga hadlayo shirka ayaa waxaa ka mid ah amniga dalka, hanaanka doorashooyinka 2020, federaaleynta, isku dhafka iyo tayeynta dastuurka iyo qodobo kale.
Madaxda maamul goboleedyadda iyo dowladda dhexe ayaa gaaray shalay Magaalada Baydhabo, waxaana ilaa iyo xalay socday kulamo kala duwan oo looga hadlaayay Xaaladda Soomaaliya.
.
W/Q:-Bashiir Barre ALI
Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho
__________________________________________________
_____________________________________________________________________________________Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia
_____________________________________________________________________________________