2163 Views

Guddiga maaliyada ee Golaha Shacabka oo la kulmay madaxda sare ee Bangiga Dhexe

Guddiga maaliyada ee Golaha Shacabka oo la kulmay madaxda sare ee Bangiga Dhexe
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL |June 3, 2018 – Masuuliyiinta Bangiga dhexe ayaa Guddiga la wadaagay waxyaabaha u qabsoomay, hormarada la gaaray iyo caqabadaha hortaagan ee xalinta u baahan.

Guddoomiyaha Guddiga Maaliyada ee Golaha Shacabka Mudane Cali Cabdi Cismaan ayaa ku booriyay masuuliyiinta Bangiga dhexe in ay soo dadajiyaan helitaanka lacag shilin Soomaali ah oo ay baahi xoog leh u qabaan shacabka Soomaaliyeed.

Sidoo Kale Gudoomiyaha ayaa tilmaamay in ay lagama maarmaan tahay wax ka qabashadda cabashooyinka la xiriira adeegyada Iyo caqabadaha mararka qaar ku soo kordha Bangiyadda gaarka loo leeyahay kuwaas oo mararka qaarkood dhinaca dibadda looga soo roggo xayiraad dhinaca dhaqaalaha.

Ugu dambeyn labada dhinac ayaa isla gartay in ay dhex marto wada shaqeyn balaaran si looga gudbo caqabadaha hor taagan howlaha maaliyadda, loona xoojiyo wada shaqeynta labada dhinac.

Kulamadan ay inta badan Guddiga Maaliyadda la yeeshaanMadaxda Bangiga dhexe ayaa ah mid lagu xoojinayo la socodka Xaaladaha maaliyadeed iyo adeegyadda Bangiga.

Maaliyada Maaliyada 6 Maaliyaada 7

.

W/Q:- Bashiir Barre ALI

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

__________________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment