Muqdisho | QOL | May 31, 2018 – Waxaa maanta oo Khamiis ah Garoonka Diyaaradaha Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho lagu soo dhaweeyay Wasiirka cusub ee Wasaaradda Warfaafinta Xukuumadda Federaalka Soomalaiya Danjire Sheekh Daahir Maxamuud Geelle.
Soo dhaweynta Wasiirka cusub ee Wasaaradda Warfaafinta ayaa waxaa ka qeyb galay Masuuliyiin ka tirsan Wasaaradda Warfaafinta, Xubno ka socday maamulka gobolka Banaadir iyo masuuliyiin kale.
Intaasi kadib Danjire Daahir Maxamuud Geelle oo warbaahinta la hadlay ayaa waxa uu sheegay inuu aad uga faraxsan yahay in dalka uu dib ugu soo laabto, soona dhaweynayo xilka cusub ee uu u magacaabay Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Khayre.
Sheekh Daahir Maxamuud ayaa dowladdii Shariif Sheekh Axmed sidan oo kale soo noqday Wasiirka Warfaafinta, xiligaasi oo uu wax badan ka soo qabtay Wasaaradda, markan inta aan loo magacaabin xilkan wuxuu ahaa Safiirka Soomaaliya ee Boqortooyada Sacuudi Carabiya.
Maamlmaha soo socda ayaa waxaa la filayaa Wasiirka cusub ee Wasaaradda Warfaafinta inuu si toos ah ula wareego xilkiisa, maadaama ay socoto qaban qaabada Munaasabadda uu xilka kula wareegi lahaa.
.
W/Q:-Bashiir Barre ALI
Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho
________________________________________________________
_____________________________________________________________________________________Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia
_____________________________________________________________________________________