2151 Views

Maamulka Somaliland oo ceyrinaysa dad u dhashay Sri Lanka

Maamulka Somaliland oo ceyrinaysa dad u dhashay Sri Lanka
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | May 29, 2018 – Maamulka Somaliland ayaa magaalada Hargeysa ka masaafurinaya ku dhawaad 12 qof oo u dhashay Sri Land sidda laga soo xigtay Wasaaradda Arrimaha dibada dowladda Sri Land.

Somaliland ayaa Amar ku bixisay in dadkaasi ay ka baxaan degaanada Somaliland ka dib markii lagu eedeeyay in ay hareer mareen Sharciga Shaqaallaha Ajnabiga ah ee Somaliland.

Wasaaradda arrimaha dibadda dowladda  Sri Lanka ayaa shaacisay in muwaadiniinteeda ku sugnaa Somaliland ay lasoo xariireen,islamarkaana lagu Amray in ay ka baxaan degaanada Somaliland

Wasaaradda waxa ay sheegtay in Safaaraddooda Adis ababa ay kala shaqeyneyso Hay’adda IOM sidii dadkaas dib ugu laaban lahaayeen dalkooda.

Afhayeen u hadlay Wasaaradda Arrimaha dibada ayaa sheegay in aysan jirin ,safaarad,qunsuliyad iyo xitaa xafiis diblomaasi oo ay ku leeyihiin Somaliland maaddaama aan la aqoonsaneyn Somaliland.

.

W/Q:-Bashiir Barre ALI

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

_____________________________________________________

 

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment