2469 Views

Özil oo ka jawaabay kulan uu la yeeshay Erdogan

Özil oo ka jawaabay kulan uu la yeeshay Erdogan
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | May 21, 2018 –  Mesut Özil iyo Ilkay Gündogan oo ah Labo ciyaartooy oo u dhashay dalka Jarmalka, balse asal ahaan kasoo jeeda dalka Turkiga  ayaa la kulmay madaxda dalka Jarmalka si ay sharaxaad uga bixiyaan kulan ay la qaateen madaxweynaha Turkiga Racep Tayib Erdogan.

Madaxweynaha Jarmalka Frank-Walter Steinmeie ayaa Labada ciyaartooy  la kulmay  kadib markii siyaasiyiin kala duwan ay ku eedeeyeen in ay taageero u fidiyeen Erdogan ka hor inta aysan dalkaasi Turkiga doorashooyinka ka dhicin.

Dowladda Jarmalka ayaa horey u dhaleeceysay Erdogan , iyada oo ku eedeeyay sidii uu ula dhaqmay mucaaradka kadib afgambigii dhicisoobay.

Waxa ay ka tirsanyihiin xulka Qaranka, iyaga oo u diyaargaroobaya tartanka koobka adduunka ee bisha dambe ka dhici doona dalka Ruushka.

Xiriirka kubadda cagta Jarmalka ayaa sidoo kale eedeeyay labadan ciyaartooy.

Madaxweynaha Jarmalka ayaa sheegay in ay muhiim ahayd in ciyaartooydan ay kala caddeeyaan moowqifkooda, iyada oo Ozil uu sheegay in uu Jarmalka barbar taaganyahay, halka Gurdogan uu sheegay in Jarmalka uu yahay dalkiisa.

Erdogan ayaa hoggaamiya Turkiga muddo 15 sano ah, iyada oo 14-ka bisha June loo dareerayo goobaha codbixinta dalkaas.

.

W/Q:-Bashiir Barre ALI

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

________________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment