Muqdisho | QOL | May 08, 2018 – Madaxweynaha Galmudug Axmed Ducaale Geelle Xaaf, Wasiiro ka tirsan dowladda Soomaaliya iyo xildhibaano ka socda labada aqal ee baarlamaanka Soomaliya ayaa goor dhow ka soo dagay garoonka Diyaaradaha degmada Hobyo ee gobolka Mudug.
Waxaa halkaasi kusoo dhaweeyay Madaxda GOB,Maamulka Dagmada Hobyo iyo qeybaha bulshada ee Hobyo.
Shacabka Reer Hobyo ayaa caleemo qoyan ku dhaweyay wafdiga kuwaasoo ka qeyb galaya furitaanka wajiga 1aad ee Mashruuca GOB.
Madaxda hadda gaartay Hobyo ayaa xariga ka jaray aargada Cusub ee Magaalada loo dhisay.
.
W/Q:-Bashiir Barre ALI
Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho
______________________________________________________
_____________________________________________________________________________________
Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia
_____________________________________________________________________________________