2985 Views

Madaxweynaha Kenya oo sheegay wakiilladda shisheeye in ay kaalin weyn ku leeyihiin qalalaasaha Soomaaliya

Madaxweynaha Kenya oo sheegay wakiilladda shisheeye in ay kaalin weyn ku leeyihiin qalalaasaha Soomaaliya
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | May 2, 2018 – Madaxweyne Uhuru Kenyatta ayaa hadalkaasi ku sheegay Khudbadiisa Sannadlaha ee u uka jeediyey Barlamaanka Kenya, wuxuuna tilmaamay inay sii wadi doonto dadaalkooda ku aadan sidii dalalka deriska loogu soo dabaali lahaa Nabad iyo Deganaansho.

Waxa uu tilmamaay inay Danta Kenya ku jirto Somalia iyo South Suudaan oo deganaansho hela, wuxuuna xusay inay dalalkaasi yihiin kuwa inta badan sababa ammaan la’aanta.

Madaxweynaha Kenya waxa uu ku eedeeyey Wakiilladda Shisheeyaha inay abuureen inta badan Rabshadaha ka jira Somalia, ee ay ku wiiqayaan  DFS, laguna kala qeybinayo dadka Soomaalida.

Waxa uu intaasi ku daray in Wakiilladda Shisheeye ee qalalaasaha ka wada Somalia ay cabsi ku hayaan Faa’idada laga dhaxlay  Guusha xanuunka badan laga soo maray ee ay Ciiddanka AMISOM gaareen.

Madaxweyne Uhuru Kenyatta waxa uu carrabka ku dhuftay inay sii wadi doonaan Taageeradda Somalia ee dib-u-soo-celinta Deganaanshaha.

“Dhamaanteena waa inaan ogaanaa, haddii ay Walaalaheenna Somalia barwaaqaysan yihiin inaan Annagana barwaaqo nahay. Haddii ay nabad yihiin, Annagana waa nahay” ayuu yiri Mdaaxweyne Uhuru Kenyatta, wuxuuna intaasi ku daray inay Siyaasadda Kenya tahay inaan Somalia caawino, si ay ugu so olaabato Nabaddii iyo Barwaaqadii horey loogu yiqiinay

.

W/Q:- Bashiir Barre ALI

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

_______________________________________________________

 

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment