Muqdisho | QOL | April 29, 2018 – Ergayga Gaarka ee QM ugu qaabilsan Somalia, Michael Keating waxa uu BartA Twitter-ka ee UNSOM soo dhigay in Korantada laga isticmaalo Somalia tahay tan ugu qaabilsan Qaaradda Afrika.
Wuxuuna xusay in Halkii Kiilo-waat oo Koronto ah ee lagu isticmaalo magaalladda Muqdisho ku kacayso in ka badan hal dollar saacadiiba.
Michael Keating waxa uu Twitter-kiisa ku xusay in sannado badan oo colaado hubeysan ka jireen Somalia ay sababtay inay burburaan Qeybtii Tamarta iyo inuu Deegaanka wasaqoobo
Dhinaca kale, Ergayga Gaarka ee QM ugu qaabilsan Somalia, Michael Keating waxa uu shalay booqday Xarunta Wakaalladdii Xoogga Korantada Ummadda ee ENEE, halkaasi oo ay shirkadda BECO u yaallaan Matooradda Koraantada siiya qeybo ka mid ah Xaafadaha Muqdisho.
Waxa uu ugu baaqay Maalgeliyayaasha inay taageero ka geystaan sidii loo cusbooneysiin lahaa Tamarta Korantada, wuxuuna nasiib-xumo ku tilmaamay Qiiqa Matooradda Korantada ee dhibaatada ku haya Dadka iyo Deegaanka.
Websayka UNSOM ayaa qoray inuu Michael Keating ka qeyb geli doono Shirweyne ka dhici doonta dalka Bortiqiiska bilowga bisha soo soocta, oo looga hadli doonto Maalgelinta Qeybta Tamarta Korontada ee Somalia.
Kulankaasi waxaa kaloo ka qeyb geli doona Saraakiil ka socota Wasaaradda Tamarta ee Xukuumadda Federalka Somalia
.
W/Q:-Bashiir Barre ALI
Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho
________________________________________________________
_____________________________________________________________________________________Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia
_____________________________________________________________________________________