Muqdisho | QOL | April 28, 2018 – Madaxweynaha Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa go’aansaday inuu goobjoog ka noqdo finalka koobka bariga & bartamaha Africa oo ay cayaarayaan wiilasha 17-jirada ah ee dalkeena.
Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa la filayaa in saacadaha soo socda uu u duulo dalka Burundi si uu goobjoog ka noqdo finalka koobka bariga & bartamaha Africa oo ay Cayaarayaan Xulka 17-jirada ah ee Soomaaliya.
Saraakiil ka tirsan Madaxtooyada Soomaaliya ayaa waxa ay Dalsan u xaqiijiyeen in Madaxweyne Farmaajo Maanta ama gelinka hore ee Beri uu u ambabixi doono dalka Burundi oo Sanadkaan martigelinayay koobka bariga & bartamaha Africa.
Waa markii ugu horeysay oo Xulka Soomaaliya ay soo gaaraan kama dambeysta koobka bariga iyo bartamaha afrika,iyada oo Shacabka Soomaaliyeed ay aad u soo dhaweeyeen.
.
.
W/Q:-Bashiir Barre ALI
Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho
____________________________________________________________
_____________________________________________________________________________________Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia
_____________________________________________________________________________________