Muqdisho | QOL | 29, Maarso 2018 —Ciidamada dowladda Soomaaliya ayaa xalay waxa ay howlgal ka sameeyeen Xaafado ka tirsan degmada Wadajir ee gobolka Banaadir,waxaana la sheegay in howlgalkaas lagu soo qabtay hub iyo waxyaabaha maanka dooriya.
Afhayeenka Maamulka gobolka Banaadir Cabdi fitaax Cumar Xalane ayaa sheegay in howlgalkaas lagu soo qabtay Waxyaabaha Maanka Dooriya Oo isugu Jira Xashiish Iyo khamri Sidoo Kale Waxaa Lasoo Qabtay Laba Qoray Iyo laba Bastooladood.
Gudoomiye ku xigeenka dhanka Amniga iyo Siyaasada Maamulka Gobolka Banaadir ayaa goobjoog ka ahaa halka uu howlgalka ka socday,balse weli lama shaacin in dad lagu soo qabtay howlaglkaas.
Sikastaba Ciidamada dowladda ayaa dhowr jeer howlgallo y sameeyeen waxa ay dhowr jeer ku soo qabteen hub iyo waxyaabaha maanka dooriya,waxana maalmo ka hor Delada Muqdisho laga qabtay Kuntineer siday maandooriyaha Khamriga shalayna las oo bandhigay.
Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho
____________________________________________________
_____________________________________________________________________________________
Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia
_____________________________________________________________________________________