Boosaaso | QOL | March 14, 2018 —Wararka naga soo gaaraya Magaalada Boosaaso ee xarunta gobolka Bari ayaa waxa ay sheegayaan Ciidamada ammaanka Puntland ayaa maanta fagaare ku yaala duleedka magaalada ku gubeen Jawaano Qaad ah.
Waxa ay sheegeen in Qaadkaasi uu si sharci darro ah loosoo galiyay Puntland, kadib markii xogtiisa heleen.
Ciidamada Ammaanka ee Boosaaso waxa ay xaqiijiyeen in Qaadkaan in Puntland lagasoo galiyay dhinaca Soomaaliland.
Waxaa Qaadkaan uu u rarnaa ganacsato Puntland ah oo doonayay inay si qarsoodi ah kusoo galiyaan gudaha magaalada Boosaaso, iyagoo ka cararay in la canshuuro sidda ay xaqiijiyeen ciidamada Ammaanka.
Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Boosaaso
__________________________________________________
_____________________________________________________________________________________Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia
_____________________________________________________________________________________