Muqdisho | QOL | March 07, 2018 –Wasiirka arimaha Dibadda Somaliland Sacad Cali Shire oo maanta Saxaafadda kula hadlay Magaalada Hargeysa ayaa sheegay in sharci uu yahay heshiiskii saddex Geesoodka ahaa ee ay wada saxiixdeen Somaliland Itoobiya iyo Shirkadda DP World oo laga leeyahay Dalka Imaaraadka.
Wasiirka ayaa tilmaamay in muhiimad gaar ah uu u leeyahay heshiiskaasi Shacabka Somaliland.
inta badan Shacabka Soomaaliyeed ayaa ka soo horjeestay heshiiska Dowladda Itoobiya looga qeybgalinayo in ay saami ku yeelato Dekadda Berbera,waxana la sugayaa halka uu ku danbeen doono.
Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho
————————————————————————–
_____________________________________________________________________________________Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia
_____________________________________________________________________________________