Muqdisho | QOL | 19 February, 2018–Shir Deg deg ah oo ay Maanta Golaha Wasiirada Soomaaliya ku yeesheen Magaalada Muqdisho ayaa waxa ay ku ansixiyeen Magacaabista Taliyayaasha Booliiska iyo Nabad-Sugida iyo Asluubta Soomaaliya.
Xilalkaan labada taliye oo banaanaa mudo Saddex Bilood ah ayaa ugu dambeyn Maanta la Magacaabay halka Taliyaha Asluubta dib loogu soo celiyay taliyihii hore oo xilkas horay u soo qabtay
Taliyaha Nabad-Sugida ayaa waxaa loo Magacaabay Xuseen Cismaan Xuseen oo hadda ah Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Caafimaadka halka Taliyaha Booliska loo Magacaabay Bashiir Axmed Maxamed,Sidoo kale taliyaha Asluubta ayaa waxaa loo Magacaabay Sareeye guuto Bashiir Maxamed Jaamac (Bashiir Goobe) oo horay u ahaa lataliyaha dhanka ciidamada ee Madaxweynaha.
Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho
__________________________________________________
_____________________________________________________________________________________Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia
_____________________________________________________________________________________